Waxaa qortay Jennifer Dunham/Agaasime Kuxigeenka Tifaftirka ee CPJ
Ma jirto cid lagula xisaabtamay ku dhawaad 80% dilalka weriyayaasha la laayay tobankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu ogaaday Tusmada La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee CPJ 2022, iyadoo dowladuhu aanay dan weyn ka lahayn wax ka qabashada arrintan.
Waxaa la daabacay 1-da Nofembar, 2022
Tusmada Caalamiga ah ee la xisaabtan la’aanta | Habka Diyaarinta Tusmada
Inta badan dadka dila weriyayaasha ayaan lala xisaabtamin, sida lagu sheegay Tusmada La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee CPJ 2022. Ku dhawaad 80% weriyayaasha oo tiradoodu guud tahay 263 ee tobankii sano ee tagay guud ahaan caalamka loogu dilay shaqada ay hayeen ayaa dadki laayay aan la ciqaabin.
Soomaaliya ayaa sanadkii sideedaad noqotay dalka ugu xun ee aan lala xisaabtamin kuwa dila weriyayaasha. Suuriya, South Sudan, Afghanistan iyo Ciraaq ayaa sida ay u kala horreeyaan galay shanta kaalmood ee ugu horreeya tusmada oo lagu diiwaangeliyay dilalka weriyayaasha ee dhacay 1-dii Sebtembar 2012 ilaa 31-kii Agoosto 2022. Dhammaan dalalkaas ayaa marar badan ka soo muuqday tusmada CPJ, iyadoo colaadaha, xasillooni darrida siyaasadeed iyo sarreyn la’aanta sharciga ay yihiin caqabadaha xoojiya isla xisaabtan la’aanta, isla markaana ay adag tahay in dowladaha ka jira ay awoodda saaraan sidii ay cadaalad ku heli lahaayeen weriyayaashaas.
Dalka Myanmar ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday tusmada 2022, waxaana uu galay kaalinta sideedaad. Waa arrin kale oo walaaceeda leh, maadaama uu kamid noqday waddamada ugu xun ee lagu xiro weriyayaasha tirakoobkii suxufiyiinta xiran ee ay CPJ samaysay 1-dii Disembar 2021. Taliska milateriga ee dalkas ayaa xabsiga dhigay tobanaan weriye, isagoo u adeegsaday xeerarka dowlad diidka iyo wararka been abuurka ah si uu u xakameeyo warbaahinta madaxa bannaan. Waxa uu sidoo kale dilay ugu yaraan saddex weriye oo ay kamid yihiin Aye Kyaw iyo Soe Nainga oo sawirro ka qaaday dad ku mudaharaadayay taliska, weriyayaashaas oo markii dambe la qabtay, kadibna lagu dilay xabsiga.
Xitaa waddamada ay xaaladdoodu roon tahay ee leh dowladaha sida dimuqraadiga ah lagu doortay ayaan muujin rabitaan siyaasadeed oo ku filan si loo maxkamadeeyo kuwa dila weriyayaasha ama tacaddiyada ka dhanka ah warbaahinta. Taa bedalkeeda, hogaamiyayaal uu kamid yahay Madaxweynaha Mexico Andrés Manuel López Obrador iyo dhiggiisa Brazil Jair Bolsonaro, ayaa weerarro afka ah ku qaaday warbaahinta, xilli ay weriyayaasha wajahayaan khatar joogta ah oo ka dhalatay wararkooda la xiriira dembiyada, musuq-maasuqa iyo arrimaha deegaanka.
Mexico ayaa kamid ah dalalka ugu khatarta badan. CPJ ayaa diiwaangelisay dilalka 38 weriye oo aan xal laga gaarin tobankii sano ee la soo dhaafay, taasoo ah tirada ugu badan ee dilalka ka dhaca waddamada ku xusan tusmada, iyo dalka ugu khatarta badan Cirifka Galbeed ee ay weriyayaasha ka hawlgalaan. Dalkan ayaa tusmada CPJ uga jira kaalinta lixaad, maadaama heerka lagu saleeyo tirada dilalka oo la barbar dhigay dadka ku nool waddankaas. Waxaa intaa dheer in qalalaasaha wejiyada badan ee Mexico uu wax adag ka dhigay in si dhab ah loo fahmo sababaha loo laayo weriyayaasha iyo in loo dilay shaqadooda awgeed, taasoo ka dhigan in haddii aan la xaqiijin sababta loo dilay weriyaha aan lagu xisaabin tusmada la xisaabtan la’aanta ee CPJ.
Ugu yaraan 13 weriye ayaa lagu dilay Mexico sagaalkii bilood ee u horreeyay 2022, tiradaas oo ah tii ugu badnayd ee ay CPJ abid ka diiwaangeliso waddankaas sanad qura. Ugu yaraan saddex kamid ah weriyayaashaas ayaa loo dilay aargoosi ku aaddan warbixinno ay ka diyaariyeen dembiyada iyo musuq-maasuqa siyaasadeed, waxaana loo diray hanjabaado ka hor inta aan la dilin. CPJ ayaa weli baaritaan ku wada sababaha loo dilay tobanka weriye ee kale, si ay u xaqiijiso in loo dilay shaqada ay hayeen.
Dowladda Mexico ayaa horraantii sanadkan soo bandhigtay eedaysanayaal badan oo ay u qabatay dilalka weriyayaasha, iyadoo afhayeenka madaxweynaha Jesús Ramírez Cuevas uu bishii March sheegay in 16 qof loo qabtay dilalka lix weriye oo dhacay sanadkan 2022. Kadib xukunka ninkii 2017 dilay weriye Javier Valdez Cárdenas, dowladda Mexico ayaa xoojisay dedaallada ay Maraykanka ugu soo gacan-gelinayo nin loo haysto inuu ka maleegay dilkaas oo lagu magacaabo Dámaso López Serrano, kana tirsanaa burcadda ugu waaweyn gobolka Sinaloa. Guud ahaan dadkaas badan ee loo qabtay dilalka weriyayaasha ayaan horseedin in la maxkamadeeyo. Waxaa intaa dheer in qaar kamid ah eedaysanayaasha, sida kuwo loo haystay dil 2021 loo geystay weriye Jacinto Romero Flores la sii daayay kadib markii lagu waayay caddeymo.
Brazil – oo kaalinta sagaalaad kaga jirta tusmadan – ayaa waxaa 2022 ka dhacay dhowr arrin oo sare u qaaday khatarta weriyayaasha ku sugan dalkaas. Weriye Dom Phillips oo Britain u dhashay iyo Bruno Pereira oo ahaa khabiir arrimaha qadiimiga ah ayaa lagu dilay keymaha Amazon, iyadoo ay boolisku tuhunsan yihiin in dadka falkaas geystay ay xiriir la leeyihiin kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda deegaankaas. Dilkooda ayaa muujiyay khatarta ay wajahaan weriyayaasha ka warrama Amazon iyo guud ahaan arrimaha deegaanka. Dil bishii Febraayo loo geystay weriye bulsho Givanildo Oliveira oo lagu eedeeyay xubnaha koox burcad ah oo lagu magacaabo Red Command ayaa kordhiyay walaaca laga qabo khatarta sii siyaadaysa ee ay wajahaan weriyayaasha ka hawlgala xaafadaha isku raranta ah iyo kuwa la faquuqay ee Brazil.
Dhanka kale, qoyska weriyihii ciyaaraha ee Brazil u dhashay Valério Luiz de Oliveira, oo loo dilay warbixin uu ka sameeyay naadi caan ka ah kubadda cagta dalkaas, ayaa caqabad kala kulmay sidii ay cadaallad u heli lahaayeen, maadaama dhegaysiga dacwadda dadka lagu eedeeyay dilkaas ee loo muddeeyay 2022 dib loo dhigay marar badan. Wiilkiisa Valério Luiz de Oliveira Filho oo qareen ah ayaa uga warramay CPJ baadi-goobka cadaallada ee ku qaatay tobanka sano si ay u xaqiijiyaan in kuwa aabihii dilay la mariyo ciqaabta ay mudan yihiin, waxaana uu tilmaamay in “kiiska uu yahay jahawareer aan dhammaaneyn.”
Dalka Filibiin – oo kaalinta todobaad ka galay tusmada – ayaa doorashadii Madaxweyne Ferdinand Marcos Jr. waxa ay keentay rajo isbedal ka duwan cago-jugleyntii iyo dhibaatadii uu Madaxweynaha xilka ka degay, Rodrigo Duterte, ku hayay saxaafadda. Hase yeeshee dilka weriyayaasha kala ah Percival Mabasa, oo si weyn u dhaliili jiray Duterte iyo Marcos Jr., iyo Renato Blanco, oo ka warrami jiray siyaasadda gudaha iyo musuq-maasuqa, kuwaas oo la dilay kadib markii uu Marcos Jr. xilka la wareegay dabayaaqadii June, ayaa sare u qaaday cabsida ah in dhaqanka rabshadaha iyo isla xisaabtan la’aanta ku salaysan uu ka sii socon doono dalkaas.
Pakistan iyo Hindiya ayaa kala galay kaalmaha tobnaad iyo kow iyo tobnaad. Labada dal ayaa si joogta ah uga soo muuqanayay tusmada tan iyo markii ay bilowday CPJ sanadkii 2008, taasoo muujinaysa in isla xisaabtan la’aanta iyo tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda ay ku xooggan yihiin waddamadaas.
Tusmadan tobanka sano ku salaysan oo laga billaabay 1-dii Sebtembar 2012 ilaa 31-kii Agoosto 2022, ayaa CPJ waxa ay ku ogaatay in 263 weriye caalamka oo dhan loogu dilay arrimo la xiriira shaqadooda. 206 kamid ah kiisaskaas ama 78% ayaa CPJ waxa ay u diiwaangelisay isla xisaabtan la’aan buuxda, taasoo ka dhigan in aanay jirin qof ay maxkamad dembi ku heshay oo loo qabtay dembiyadaas. Tusmadii ka horreysay (1-dii Sebtembar 2011 ilaa 31-kii Agoosto 2021) CPJ ayaa ogaatay in 81% kiisaska weriyayaasha la dilay aan la xallin.
Tusmada sanadkan ayaa ku soo beegantay Qorshaha Tallaabooyinka Lagu Badbaadinayo Weriyayaasha iyo Arrimaha Isla Xisaabtan La’aanta ee ay Qaramada Midoobay billowday 2012 si loo dejiyo barnaamijyo lagu difaacayo weriyayaasha isla markaana looga hortagayo la xisaabtan la’aanta tacaddiyada ka dhanka ah saxaafadda. Tallaabooyinka qorshahan ayaa waxaa kamid ah in la sameeyo hab ay qeyb ka yihiin hay’adaha kala duwan oo wax looga qabanayo arrimaha la xiriira badqabka weriyayaasha, iyo in laga caawiyo dalalka inay sameystaan shuruuc iyo hannaan u wanaagsan xorriyada hadalka iyo macluumaadka, isla markaana lagu taageerayo dedaallada ay ku hirgelinayaan shuruucda iyo mabaadii’da caalamiga ah. Dhaqangelinta qorshahan ayaa bilowday horraantii 2013, sidaa oo ay tahayna, tusmada Qarama Midoobay ayaa muujinaysa in weli ay taagan tahay dhibaatada isla xisaabtan la’aanta.
CPJ iyo hay’adaha ay wada shaqeyta la leedahay ayaa waayadii dambe iska kaashaday dhowr mashruuc oo wax looga qabanayo isla xisaabtan la’aanta ka jirta daafaha dunida. Mashruuca “Duni u Badqabta Runta” ayaa lagu baaraa kiisaska weriyayaasha la dilay ee aan la xallin, iyadoo lagu soo bandhigayo macluumaad cusub, isla markaana laga codsanayo garsoorka maxalliga ah inuu dib u furo kiisaskaas. Horraantii sanadkan, Maxkamadda Dadweynaha ee the Hague oo qeyb ka ah mashruuca, ayaa goobjoogayaal waxa ay ku marqaati fureen dil 2009 loo geystay weriye Lasantha Wickrematunge oo Sri Lanka u dhashay. Waxay dadkaas soo bandhigeen caddeymo badan oo muujinaya in dilkaas ay ka dambeysay wasaaradda gaashaandhigga oo uu xilligaa wasiir ka ahaa Gotabaya Rajapaksa, kaasoo bishii July iska casilay madaxtinnimada Sri Lanka.
Ruushka iyo Bangladesh ayaa markii ugu horreysay tan iyo 2008 waxa ay sanadkan ka hareen liiska tusmada, maadama dalalkaas ay ka kala jiraan saddex iyo afar kiis oo aan weli xal loo helin mudada tusmada. Tiradaas ayaa ka yar shuruudda ah in kiisaska dilalka aan la xallin ay gaaraan shan kiis, si loogu darro warbixinta. Balse taasi kama dhigna inay soo hagaagayso xorriyadda saxaafadda ama badqabka weriyayaasha ee dalalkaas. Bangladesh ayaa weli xariga weriyayaasha u adeegsata Xeerka Amniga Dijitaalka, iyadoo weriye Mushtaaq Axmed uu xaalad aan la qeexin ugu dhigtay xabsiga 2021, kadib markii sida la sheegay ay jirdil u geysteen booliska. Kaartuuniste Kabir Kishore oo lala eedeeyay Mushtaaq ayaa u sheegay CPJ in lagu jirdilay xabsiga.
Ruushka ayaa muddo dheer kamid ahaa waddamada ugu xun ee lagu dilo weriyayaasha, iyadoo warfidiyeennada ka warramaya musuq-maasuqa dowladda iyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha loo beegsado shaqada ay hayaan. Tan iyo markii uu Vladimir Putin la wareegay talada dalkaas dhammaadkii 1999, ugu yaraan 25 weriye ayaa loo dilay arrimo la xiriira shaqooyinkooda. Hase yeeshee, sanadihii tegay waxaa yaraaday bartilmaameedsiga iyo dilalka weriyayaasha, maadaama ay koobnaatay warbaahinta madaxa bannaan ee dalkaas. Warbaahintaa ayaa ku dhawaad gebi ahaanba saaxadda ka baxday tan iyo markii bishii Frebraayo uu Ruushka ku duulay Ukraine, iyadoo inta badan warbaahinta madaxa bannaan ay xirantay kadib cadaadis dhanka sharciga iyo xeerarka ah, iyadoo kumannaan weriye ay u baxsadeen dibedda dalka, xilli beegsiga sii xoogaysanaya uu soo foodsaaray warbaahinta Ruushka.
Novaya Gazeta waxa ay mar kamid ahayd warbaahinta looga dambeeyo wararka baaritaannada Ruushka, waxaana laga dilay ugu yaraan lix kamid ah weriyayaasheeda iyo dadka wax u qora, kuwaas oo tan iyo sanadkii 2000 loo beegsaday hawlaha ay hayaan. Hase yeeshee, sanadkan 2022, warbaahintaas ayaa si lamid ah warbaahinnada kale ee boqolaalka ah waxaa ku adkaaday inay ka shaqeyso Ruushka, caqabadaha kor lagu soo xusay awgood. Sida uu tifaftiraha guud ee Novaya Gazeta, Dmitry Muratov ahna nin ku guulaystay abaalmarinta Nobelka uu sheegay bishii Sebtembar, “Xasuuqa warbaahinta ee gudaha Ruushka waxa uu maraya heer gabogaba ah. Shacabka Ruushka waxaa faraha looga qaaday dacaayadda dowladda.”
Tusmada Caalamiga ah ee la xisaabtan la’aanta
Index rank | Country | Unsolved murders | Population (in millions)* | Years on index |
---|---|---|---|---|
1 | Somalia | 19 | 16.4 | 15 |
2 | Syria | 16 | 18.3 | 9 |
3 | South Sudan | 5 | 11.4 | 8 |
4 | Afghanistan | 17 | 39.8 | 14 |
5 | Iraq | 17 | 41.2 | 15 |
6 | Mexico | 28 | 130.3 | 15 |
7 | Philippines | 14 | 111 | 15 |
8 | Myanmar | 5 | 54.8 | 1 |
9 | Brazil | 13 | 214 | 13 |
10 | Pakistan | 9 | 225.2 | 15 |
11 | India | 20 | 1393.4 | 15 |
Habka Diyaarinta Tusmada
Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ ayaa xisaabisa tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan la xallin, iyadoo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaasi. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2012 illaa 31-kii Agoosto 2022 ee aan la xallin. Tusmadan waxaa lagu daray oo keliya dalalka ay ka jiraan kiisas gaaraya ama ka badan shan ee aan la xallin. CPJ ayaa dil u aqoonsan in si ula kac ah weriye nafta looga jaro shaqada uu hayo awgeed. Tusmadan kuma jiraan weriyayaasha lagu dilay furimaha dagaalka ama goobaha khatarta ah sida dibedbaxyada isu bedala rabshadaha. Kiisaska ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan la xallin, haddii aanay jirin cid ay maxkamad xukun ku ridday, xitaa haddii la aqoonsaday la tuhunsanayaasha ayna xiran yihiin. Kiisaska qaar kamid ah la tuhunsanayaasha la xukumay ayaa lagu tilmaamaa in qeyb ahaan lala xisaabtamay. Sidoo kale, kiisaska dadka la tuhunsanayaasha ay ku dhintaan hawlgallada lagu soo qabanayo ayaa loo aqoonsaday kuwo qeyb ahaan lala xisaabtamay. Tusmada ayaa lagu xisaabay oo keliya dilalka aan sida buuxda loola xisaabtamin. Kama mid ah dilalka qeyb ahaan lala xisaabtamay. Xogta tirakoobka dadka ee Bangiga Adduunka uu 2021 ka diyaariyay Tilmaamayaasha Horumarka Caalamka oo la darsay Sebtembar 2022 ayaa loo isticmaalay xisaabinta heerka uu joogo dal kasta.
Jennifer Dunham waa agaasime kuxigeenka tifaftirka ee CPJ. Ka hor inta aysan ku soo biirin CPJ, waxa ay ahayd agaasimaha cilmi-baarista ee barnaamijyada Freedom in the World iyo Freedom of the Press reports ee hay’adda Freedom House.