Waxaa qortay: Jennifer Dunham/Agaasime Kuxigeenka Tifaftirka ee CPJ
Ugu yaraan 27 weriye ayaa shaqadooda awgeed loo dilay sanadkii 2021, iyadoo dalalka Hindiya iyo Mexico ay kaalinta hore ka galeen waddamada ay ku dhinteen weriyayaasha ugu badan, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee ay sanadkii tegay ka diyaarisay hay’adda the Committee to Protect Journalists. Guud ahaan tiradaas oo ay ku korartay saddex dhimasho tan iyo markii la daabacay warbixintii CPJ ee 9-kii Disembar ay ka diyaarisay weerarrada ka dhanka ah saxaafadda, ayaa 21 kamid ah waxaa loo xaqiijiyay in loo dilay shaqadooda weriyenimo. Afar kale waxa ay dhinteen iyagoo ka soo warramaya goob dagaal, halka laba kale la dilay iyagoo ka warramaya dibedbaxyo isu bedalay rabshado.
CPJ ayaa weli baaritaan ku haysa geerida 18 weriye oo kale – oo ay kamid yihiin lix lagu dilay Mexico – si loo xaqiijiyo in dilalkooda ay xiriir la leeyihiin hawlaha ay saxaafadda.
Inkastoo tirada weriyayaasha dhintay sanadkii tegay ay ka yartahay tii sanadkii 2020 oo ahayd 32, ayaa haddana waxaa inteeda joogta tirada weriyayaasha loo beegsaday shaqadooda, taasoo ka dhigan in ay weli yihiin bartilmaameed. Labada waddan ee ay ka dhaceen dilalka ugu badan ee weriyayaasha loo dilay shaqadooda – oo ah Hindiya iyo Mexico oo kala diiwaangeliyay afar iyo saddex kiis – ayaa labaduba waxa ay ku jiraan Tusmada La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee CPJ, taasoo diiradda lagu saaro waddamada lagu dilo weriyayaasha, kuwa dilayna aan lagula xisaabtamin.
Ugu yaraan laba weriye ayaa lagu dilay dalka Myanmar, xilli milateriga xukunka la wareegay uu beegsado warbaahinta, isla markaana uu xiray ugu yaraan 26 weriye oo shaqadooda eersaday wixii ka horreeyay 1-dii Disembar 2021. Labada weriye oo dilkoodu dhacay bishii Disembar ayaa waxa ay ka dhigan yihiin tirada dilalka weriyayaashii ugu badnaa ee ay CPJ dalkaas ka diiwaangeliso tan iyo 1999, xilli waddankaas uu noqday kan labaad ee weriyayaasha ugu badan lagu xiray caalamka, waxaana kaalinta koobaad galay Shiinaha, sida ku cad warbixinta tirakoobka weriyayaasha xiran 2021 ee CPJ.
Waxyaabaha kale ee lagu ogaaday baaritaanka CPJ ee dilalka weriyayaasha waxaa kamid ah:
- Ururada siyaasadda, sida kuwa mucaaradka ku ah dowladaha ama jabhadaha hubaysan ayaa ahaa kuwo ugu badan ee looga shakiyay inay dileen weriyayaasha sanadkii 2021, xilli siyaasaddu ay ahayd waxa ugu badan ee loo beegsado saxafiyiinta.
- Mina Khairi oo ahayd weriye telefishin una dhalatay Afghanistan ayaa noqotay haweeneyda qura ee shaqadeeda weriyenimo loo dilay sanadkii 2021. Bishii Juun ayaa gaari ay wadatay waxaa loogu xiray walxaha qarxa, kaasoo ay ku dhimatay. Lama aqoonsan cidda beegsatay. Weriye kale oo lagu magacaabi jiray Rasha Abdullah al-Harazi una dhalatay Yemen ayaa iyadoo xaamilo ah ku dhimatay qarax lala beegsaday gaari ay saarneyd 9-kii Nofembar 2021, balse waxaa la rumaysan yahay in bartilmaameedka uu ahaa seygeeda Maxamuud Al-Atmi oo isna weriye ah uuna dhaawac xooggan ka soo gaaray qaraxa.
- Inta weriyayaasha la dilay ayaa ah kuwo maxaalli ah oo la beegsaday xilli ay tebinayeen wararka dalalkooda. Saddex weriye oo caalami ah ayaa la dilay sanadkii 2021: Weriye Danish Siddiqui oo Hindiya u dhashay. Waxa uu Afghanistan ugu dhintay dhaawac ka soo gaaray xilli uu tebinayay Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xooggaga Taliban bishii July. Laba weriye oo Spain u dhashay David Beriain iyo Roberto Fraile, kana shaqeynayay filim dokumentari ah. Waxaa lagu afduubtay laguna dilay dalka Burkina Faso bishii Abriil.
- Lokman Slim oo u dhashay Lubnaan, lana dilay bishii Febraayo, ayaa noqday dilka keliya ee la xaqiijiyay in 2021 uu ka dhacay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, taasoo muujinaysa hoos u dhac weyn kadib tiro badan oo weriyayaal ah oo gobolkaas lagu laayay tobankii sano ee la soo dhaafay.
Si aad waxbadan uga ogaato xogta CPJ ay 2021 ka diyaarisay weriyayaasha la dilay iyo kuwa la xiray, booqo warbixinta khariiradda ah iyo tirakoobka sanadlaha ah ee weriyayaasha xiran
Habka Diyaarinta
Hay’adda CPJ ayaa sanadkii 1992 bilowday diiwaangelinta xogta dhammaan weriyayaasha dhintay. Hawlwadeennada CPJ ayaa si madax bannaan u baara una hubiya xaaladaha dhaliyay geerida weriye kaste. Hay’adda ayaa dilka weriyaha u tixgelisa mid bartilmaameedsan keliya marka ay hawlwadeennadeeda sida ugu macquulsan u xaqiijiyaan in safaxiga uu u dhintay arrin la xiriirta shaqadiisa; isagoo ka soo warramaya goob uu dagaal ka socdo, ama uu soo tebinayo xaalad khatar ah, sida dibedbax isu bedalay rabshad.
Haddii aanay caddeyn sababta dilka keentay, balse ay suuragal tahay in dilka weriyaha uu xiriir la leeyahay hawshiisa, CPJ ayaa kiiskaas u aqoonsata mid aan “la xaqiijin”, waxaana ay sii wadaa baaritaankiisa.
Liiska CPJ laguma daro weriyayaasha u dhintay cudurrada ama shilalka gawaarida iyo diyaaradaha, haddii aanay shilalkaas ka dhalay fal cadowtinnimo. Hay’adaha kale ee saxaafadda ee adeegsada hababka kale ayaa soo bandhiga tiro dhimasho oo kala duwan.
Xogta CPJ ee weriyayaasha la dilay 2021 ayaa waxaa kamid ah macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dhibbane kasta iyo hannaan qiimeeya waxyaabaha ay ka siman yihiin dhammaan xogtooda. CPJ ayaa keydisa dhammaan xogta weriyayaasha la dilay tan iyo 1992, kuwa la la’ yahay ama kuwa u xiran shaqadooda weriyenimo.
Jennifer Dunham waa agaasime kuxigeenka tifaftirka ee CPJ. Ka hor inta aysan ku soo biirin CPJ, waxa ay ahayd agaasimaha cilmi-baarista ee barnaamijyada Freedom in the World iyo Freedom of the Press reports ee hay’adda Freedom House.