Iran

10 results

Haiti ayaa kamid noqotay dalalka kuwa dila weriyayaasha ay u badan tahay in aan loo ciqaabin dembiga ay galeen.

Waxaa qortay Arlene Getz Cadaalad u helid la’aanta joogtada ah ee ku aaddan dilalka weriyayaasha ayaa khatar weyn ku ah xorriyadda saxaafadda. Toban sano kadib markii ay Qaramada Midoobay maalin caalami ah u astaysay soo afjaridda la xisaabtan la’aanta dembiyadda loo geysto weriyayaasha – iyo in ka badan 30 sano kadib markii ay hay’adda CPJ…

Read More ›

Dilaayaasha aan lala xisaabtamin: Inta badan kuwa dila weriyayaasha oo weli xor ah

Waxaa qortay Jennifer Dunham/Agaasime Kuxigeenka Tifaftirka ee CPJ Ma jirto cid lagula xisaabtamay ku dhawaad 80% dilalka weriyayaasha la laayay tobankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu ogaaday Tusmada La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee CPJ 2022, iyadoo dowladuhu aanay dan weyn ka lahayn wax ka qabashada arrintan. Waxaa la daabacay 1-da Nofembar, 2022…

Read More ›

Askar ka tirsan sirdoonka Somaliland oo weerarray 3 weriye; xirtayna weriye Cabdisalaan Axmed Cawad

Nairobi, 11-ka Abriil, 2022 — Waa in mas’uuliyiinta Somaliland ay shuruud la’aan sii daayaan weriye madax bannaan Cabdisalaan Axmed Cawad, isla markaana lala xisaabtamo askarta ka tirsan hay’adda sirdoonka ee dhibaatada iyo cagajugleynta u geystay weriyahaas iyo laba weriye oo kale, sida ay Isniintii sheegtay hay’adda the Committee to Protect Journalists (CPJ).  Habeenkii 18-ka March,…

Read More ›

Todobo weriye oo lagu xiray Soomaaliya, idaacad loo weerarray waraysi ay ka qaaday koox mucaarad ah

Lusaka, 28 Janaayo 2022 – Waa in maamulka Hirshabelle ee Soomaaliya uu degdeg u joojiyo hanjabaadaha iyo faafreebka uu ku hayo warbaahinta, gaar ahaan xariga aan loo meeldayin iyo xiritaanka idaacadaha ka fekerka duwan, ayay Jimcihii sheegtay hay’adda the Committee to Protect Journalists. Galabnimadii Jimcaha ay taariikhdu ahayd 21 Janaayo 2022, ciidan hubaysan oo ka…

Read More ›

Weerarrada ka dhanka ah saxaafadda: Dalalka ay dilalka ugu badan ka dhaceen 2021

Waxaa qortay: Jennifer Dunham/Agaasime Kuxigeenka Tifaftirka ee CPJ Ugu yaraan 27 weriye ayaa shaqadooda awgeed loo dilay sanadkii 2021, iyadoo dalalka Hindiya iyo Mexico ay kaalinta hore ka galeen waddamada ay ku dhinteen weriyayaasha ugu badan, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee ay sanadkii tegay ka diyaarisay hay’adda the Committee to Protect Journalists. Guud…

Read More ›

Kuwa dila weriyayaasha oo aan weli lala xisaabtamin

Ma jirto cid lagula xisaabtamay 81% dilalka loo geystay weriyayaasha tobankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu ogaaday Tusmada CPJ ee La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee 2021.  Waxaa qortay Jennifer Dunham/Agaasime Kuxigeenka Tifaftirka ee CPJ Waxaa la daabacay Oktobar 28, 2021 Soomaaliya ayaa weli kaalinta koobaad uga jirta dalalka aan la xallin dilalka…

Read More ›

Artwork: Jack Forbes

Qalabka Badqabka Dijitaalka

 Waxaa markii u dambeysay dib u eegis lagu sameeyay 26-kii April, 2021 Weriyayaasha waxaa looga baahan yahay inay difaacaan naftooda iyo dadka ay xogta ka helaan iyagoo la soconaya wararka u dambeeyay ee ammaanka dijitaalka iyo khatarta dhanka jabsashada xogta, farriimaha kuwa wax jabsada iyo dabagalka. Waa in weriyayaasha ay ka fekeraan macluumaadka ay mas’uulka…

Read More ›

Badqabka Muuqda iyo Kan Dijitaalka: Xariga iyo Qabashada

Tebinta wararka qaar – sida tacaddiyada xuquuqda aadanaha, musuq-maasuqa ama rabshadaha – ayaa weriyayaasha u horseedi kara khatar ah in la xiro ama la qabto, gaar ahaan dalalka ay ka jiraan nidaamyada keli-taliska ah ama ay ka hawlagaan ciidamo badan. Marka ay ku qabtaan laamaha ammaanka, waa inta badan wanaagsan in aad amarkooda raacdo, xitaa…

Read More ›

La Xisaabtan La’aanta Kuwa Dila Weriyayaasha

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ 2020 ayaa diiradda lagu saaray dalalka weriyayaasha lagu dilo, kuwa dilana aan lala xisaabtamin Elana Beiser/Agaasimaha Tifaftirka ee CPJ  Waxaa la daabacay Oktobar 28, 2020 Horumarka laga sameeyay yareynta dilalka daafaha caalamka loogu geysto weriyayaasha ayaa ah mid aan cago badan ku taagneyn oo ay wax u…

Read More ›

Talooyinka Badqab ee CPJ: Tebinta wararka fayraska Corona ee Safmarka ah

Waxaa la cusbooneysiiyay 14-kii Agoosto, 2020 Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa 11-kii Maarso 2020 shaacisay in cudurka COVID-19 (fayraska Corona ee aan horay loo arag) uu yahay safmar. Weriyayaasha caalamka oo dhan ayaa dowr muhiim ah ka cayaara sidii dadweynaha ay u heli lahaayeen wararka ku aaddan fayraska iyo dedaallada ay dowladaha uga hortagayaan inkastoo…

Read More ›