Somali freelance journalist Abdalle Ahmed Mumin. (Abdalle Ahmed Mumin)
Weriye madax bannaan Cabdalla Axmed Muumin ayaa Soomaaliya ku wajahaya dacwado dembi. (Xuquuqda sawirka: Cabdalla Axmed Muumin)

CPJ oo ku biirtay baaqa ah in dowladda Soomaaliya ay ka laabato dhammaan eedeymaha loo haysto weriye Cabdalla Axmed Muumin

Hay’adda u ololeysa difaaca xuquuqda weriyayaasha ee The Committee to Protect Journalists (CPJ) ayaa ku biirtay lix urur oo u doodda xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha oo Isniintii soo saaray warqad ay ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya inay laasho eedeymaha dembi ee loo haysto Cabdalla Axmed Muumin oo u ololeeya xorriyadda warbaahinta ahna weriye madax-bannaan.  

Dowladda ayaa Cabdalla oo ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed xirtay 11-kii October, kadib markii ururkiisa iyo ururro kale oo maxalli ah ay walaac ka muujiyeen amar ka soo baxay dowladda oo si guud loogu mamnuucay “faafinta fekerka xagjirnimada”, arrintaas oo ay ururadu sheegeen inay si xun u saameyn doonto xorriyada saxaafadda, sida ay xilligaa diiwaangelisay CPJ.

Cabdalla ayaa hadda damaanad ku jooga bannaanka, waxaana uu wajahayaa eedeymo ay kamid yihiin quursi ka dhan ah dowladda Soomaaliya, inuu billaabay amar-diiddo ka dhan ah xukuumadda iyo inuu u hogaansami waayay amarka dowladda, sida lagu xusay warqadda, waxaana lagu wadaa in maxkamadda lagu celiyo 4-ta January.

Hay’adaha saxiixay warqadda ayaa ugu baaqay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Sulaymaan Maxamed Maxamuud inuu ka laabto dhammaan eedeymahaas, iyagoo xusay in Cabdalla lagu xadgudubay xuquuqdiisa oo uusan helin maxkameyn cadaallad ah, iyo in maxkamadeyntiisa ay “saameyn xun ku leedahay saxaafadda iyo weriyenimada” dalka.