Sawir laga jaray muuqaalka waraysi uu weriye madax bannaan Cabdisalaan Axmed Cawad siiyay telefishinka Horn Cable, oo la baahiyay 19-kii March 2022. Askar ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa Cabdisalaan iyo laba weriye oo kale weerarray 18-kii March, Cabdisalaan ayaa la xidhay 3-dii Abriil kadib markii uu ka hadlay weerarka loo geystay. (Xuquuqda sawirka: YouTube/Horn Cable TV)

Askar ka tirsan sirdoonka Somaliland oo weerarray 3 weriye; xirtayna weriye Cabdisalaan Axmed Cawad

Nairobi, 11-ka Abriil, 2022 — Waa in mas’uuliyiinta Somaliland ay shuruud la’aan sii daayaan weriye madax bannaan Cabdisalaan Axmed Cawad, isla markaana lala xisaabtamo askarta ka tirsan hay’adda sirdoonka ee dhibaatada iyo cagajugleynta u geystay weriyahaas iyo laba weriye oo kale, sida ay Isniintii sheegtay hay’adda the Committee to Protect Journalists (CPJ). 

Habeenkii 18-ka March, Cabdisalaan  ayaa gudaha Hargeysa gaari la saarnaa weriye madax bannaan Cali Mahdi Jibril iyo Shaafici Maxamed Ibrahim oo ka tirsan telefishinka Saab. Waxaa soo weerarray 5 nin oo sida la sheegay gaariga xoog uga dejiyay, kadibna jirdil u geystay Cabdisalaan iyo Cali, sida uu sheegay Cali oo farriin qoraal ah ugu warramay CPJ, warbaahintana ay ka soo xigatay Cabdisalaan iyo Shaafici; isla markaana lagu sheegay qoraalo kala duwan oo ay shaaciyeen Xarunta Xuquuqda Aadanaha, Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS). Cali Mahdi ayaa sheegay in isaga iyo Cabdisalaan ay ogaadeen in raggaas ay ka tirsan yihiin sirdoonka Somaliland; waxaana sidaas oo kale lagu sheegay warbixinta Xarunta Xuquuqda Aadanaha. Ragga ayaa dhowr xabbadood riday inta uu socday weerarka, sida ay sheegeen Cali iyo Shaafici.

Ragga weerarka fuliyay ayaa si gaar ah u beegsanayay Cabdisalaan, oo ay ku eedeeyeen inuu Facebook-giisa ku faafiyay qoraalo uu ku dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ku lahaa “maad ka hartid Madaxweynaha”, sida ay Cali iyo Shaafici ay u sheegeen CPJ, isla markaana laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah.

Cali Mahdi ayaa CPJ u sheegay in fiidkii 3-da Abriil ay askar ka tirsan sirdoonka Somaliland Hargeysa ka qabteen Cabdisalaan oo markaas uun ka soo afuray maqaayad, Waxa uu intaa ku daray in xadhiga weriyaha uu ka xaqiijiyay dad goobjoog ahaa. Cabdisalaan ayaa weli ku xidhan goob aan la aqoon, sida uu sheegay Cali, isla markaana lagu baahiyay qoraal wadajir ay 9-kii Abriil u soo saareen Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo  Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) oo labaduba xaruntoodu tahay Muqdisho, kuwaasoo soo xigtay qof difaaca xuquuqda aadanaha oo aanay magaciisa shaacin. Waxaa la rumaysan yahay in Cabdisalaan loo xidhay aargoosi ka dhashay markii uu ka hadlay weerarkii 18-ka March loo geystay, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah iyo weriyayaal la socday kiiska oo CPJ ka codsaday in aanay heybtooda shaacin maadaama ay ka baqayaan in la dhibaateeyo. Uma suuragelin CPJ inay si madax bannaan u xaqiijiso faahfaahinta xadhiga Cabdisalaan ee 3-dii Abriil, ama halka uu hadda ku xidhan yahay.

“Waa wax laga argagaxo in laamaha ammaanka ee Hargeysa ay rasaas iyo garaac isugu daraan weriyayaasha aysan jeclaysan waxa ay ku qoraan Facebook. Waa in mas’uuliyiinta ay waqti geliyaan baadhitaanka weerarkaas, ayna cadaalad u raadiyaan weriyayaasha halkii ay ka xidhi lahaayeen,” ayay tiri walkiilka CPJ ee dalalka ka hooseeya saxaraha, Muthoki Mumo. “Waa in mas’uuliyiinta Somaliland ay shuruud la’aan sii daayaan Cabdisalaan Axmed Cawad, isla markaana ay baadhitaan ku sameeyaan  weerarkii ay 18-ka March askarta sirdoonka ku rasaaseeyeen saddexda weriye.”

Cabdisalaan oo ku magac dheer “Germany” ayaa bartiisa Facebook ku daabaca warbixinno asal ah, faallo, iyo warar uu meelo kale ka soo qaatay, waxaana ku xidhan in ka badan 220,000 oo qof. Maalmihii ka horreeyay 18-ka March, Cabdisalaan ayaa dhowr qoraal iyo kuwo uu soo xigtay ka sameeyay safarkii uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi ku tegay Maraykanka, iyo saameynta uu socdaal ku yeelan karo qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, sida ay ogaatay CPJ oo dul-mar ku samaysay boggiisa Facebook.

Waxa uu sidoo kale daabacay muuqaal dad lagu sheegay inay ku dibedbaxayeen Madaxweynaha, isla markaana sitay calanka Soomaaliya ee ay Somaliland sheegtay inay ka go’day sanadkii 1991. Cabdisalaan ayaa sidoo kale qoray in gabadh la sawirnayd Madaxweyne Muuse oo lagu sheegay mas’uul ka tirsan dowladda Maraykanka ay dhab ahaan ahayd madaxa tiknoolajiyadda ee huteelka Fairmont, Washington. Tan iyo markii la xidhay Cabdisalaan, Facebook-giisa ayaa si caadi ah warbixinno loogu daabacayay; waxaana Cali Mahdi uu CPJ u sheegay inay jiraan dad kale oo wax geliya boggaas.

Cali iyo Cabdisalaan ayaa si weyn uga hadlay weerarkii 18-ka March, iyagoo dhibta gaartay ku sheegay waraysiyo, qoraalo Facebook ah, iyo iyagoo la hadlay ururada bulshada rayidka iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda saxaafadda.

Cali Mahdi oo u shaqeyn jiray telefishin maxalli ah wixii ka horreeyay bishii la soo dhaafay, ayaa bartiisa Facebook ku qora warbixinno iyo fallooyin, waxaana ku xiran in ka 76,000 oo qof. Waxa uu CPJ u sheegay inuu rumaysan yahay in shaqadiisa aysan wax lug ah ku lahayn weerarkii 18-ka March, balse ay cabsi la soo daristay tan iyo markii la xidhay Cabdisalaan.

Habeenkii 18-ka March ee uu weerarka dhacay, Cabdisalaan ayaa gaariga la saarnaa Cali Mahdi iyo Shaafici, waxaana lagu weerarray laba gaari, sida uu sheegay Cali, laguna baahiyay warbixinnada warbaahinta iyo hay’adaha. Cali oo gaariga waday ayaa CPJ u sheegay in ragga weerarka ahaa ay gaari ku hor gooyeen, kan kalena gadaal uga jareen.

Mid kamid ah rasaasta ay rideen raggaas ayaa ka dhex baxday gaariga ay weriyayaasha wateen. Dhowr kamid ah shanta nin ee weerarka ahaa ayaa garaac iyo jugeyn jirka oo dhan ah ku hayay Cabdisalaan, kadibna xabbad labaad ayaa dhacday.

Mid kamid ah askarta ayaa qeybta dambe ee bastooladiisa ku dhuftay Cali Mahdi, markii uu ka cararayna, mid kale ayaa ka daba riday xabbad. Cali ayaa sheegay in raggaas ay isla markiiba goobta ka baxsadeen. Cabdisalaan iyo Cali ayaa labaduba tegay dhakhtarta si looga daweeyo dhaawacyo fudud oo madaxa iyo gacmaha ka gaadhay.

Farriimo ay CPJ ku dirtay baraha Facebook iyo Twitter ay ku leeyihiin madaxtooyada Somaliland, wasaaradda garsoorka, wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda arrimaha dibedda iyo wasaaradda warfaafinta ayaa noqday kuwo aan laga jawaabin ama kuwo hawadu soo celisay. Telefoonnada wasaaradahaas ayaan la qaban ama bixi waayay.

Qof magiciisa ku sheegay Maxamed Ismaaciil, oo sheegtay inuu ka tirsan yahay wasaaradda arrimaha gudaha kana jawaabay wicitaanka CPJ ayaa sheegay inuu eegi doono su’aalaha aan ugu dirnay WhatsApp. Markii ay CPJ weydiimaha u dirtay 7-dii Abriil waxa uu qofkaas sheegay inuu degdeg u eegi doono marka uu gurigiisa gaaro, balse nooma uusan jawaabin xilliga warbixintan la daabacayay.

Telefoon ay CPJ u dirtay taliyaha booliska Somaliland Jen. Maxamed Aadan Saqadhi ayaa bixi waayay, halka uusan ka jawaabin farriimaha loogu diray WhatsApp ee gaaray. Madaxa sirdoonka Somaliland, Maxamed Salebaan Xasan ayaan telefoonka ka qaban CPJ, sidoo kalena kama uusan jawaabin farriimaha ay u dirtay hay’adda.