A picture taken on October 1, 2019, shows the logos of mobile apps Instagram, Snapchat, Twitter, Facebook, Google, and Messenger. (AFP/Denis Charlet)
Sawir la qaaday 1-dii October 2019 oo muujina astaamaha apps-ka telefoonnada ee Instagram, Snapchat, Twitter, Facebook, Google, iyo Messenger. (AFP/Denis Charlet)

Badqabka Dijitaalka: Iska Ilaalinta Weerarrada Online-ka

Waxaa la cusbooneysiiyay 28-kii Sebtembar 2020

Weriyayaasha iftiimiya wararka marin habaabinta ah, mala awaalka ah, ama been abuurka ah ayaa inta badan waxaa weerarro dhanka online-ka ah ku beegsada dadka soo diyaariyay wararkaas, kuwa taageersan iyo kuwa siyaasad ahaan u janjeera dhinacaas. Dadka taageersan faafinta xogta noocaas ah ayaa soo abaabuli kara weerarro nidaamsan oo hawada looga saarayo weriyaha ama lagu wax loogu dhimayo sumcaddisa. Hawlwadeennada warbaahinta ee ka warrama wararka noocaas ah waxa ay qaadi karaan tallaabooyin ay ku maareynayaan xogtooda online-ka ah, isla markaana ay ku ilaalin karaan cinwaanadooda si ay u yareeyaan weerarrada uga imanaya internet-ka.  

Maaree raadkaaga online-ka

Kuwa fuliya weerarrada online-ka ayaa isu soo abaabula si ay toos kuugu beegsadaan. Qaar badan oo kamid ah ayaa baaritaan ku sameeya cinwaanada aad ku leedahay baraha bulshada, iyo internet-ka si ay u helaan xogtaada shakhsiga ah. Waxa ay xogtaas u adeegsadaan, gaar ahaan xogta halka aad ku sugan tahay si ay kuugu hanjabaan ama ugu cagajugleeyaan xubnaha qoyskaaga. Dadkaas ayaa sidoo kale raadin kara sawiradaada si ay u bedalaan iyagoo uga gol leh inay kugu handadaan, micno tiraan ama kugu ceebeeyaan.

  • Dib u eegis ku samee macluumaadkaaga ku jira online-ka iyo baraha ay ku keydsan yihiin.
  • Qaad tallaabooyin aad internet-ka uga saarayso macluumaadka ku dhibaya ama khatarta kuu keeni kara, sida xogta meesha aad degan tahay iyo sawirada carruurtaada.
  • Ka war hay sawiradaada ku jira online-ka iyo qaabka laguugu adeegsan karo.
  • Ku biir baraha lagu saaro xogta si aad internet-ka uga saarto macluumaadka goobta aad ku nooshahay.
  • Eeg qeybta privacy settings ee baraha bulshada aad cinwaanada ku leedahay si aad u ogaato macluumaadka ay dadka kale kaa arki karaan. Meesha ka saar ama xadidaad ku samee xogta aad isleedahay in laguu isticmaali karo ama khatar ku gelin karta.
  • Iska xir apps-ka sheegi kara halka aad joogto ee cinwaanadaada baraha bulshada.
  • Ka feker sidii aad ku tiri lahayd qoraaladaadii hore ee baraha bulshada ama in aad adeegsato adeegyada masaxa tweets-kaagii hore. Dadka ku beegsanaya ayaa soo saari doona qoraaladaadii hore si ay kaaga dhigaan qof aan la aamini karin.
  • Diwaangeli farriimaha google ee ku saabsan magacaaga, gaar ahaan qaababka loo qori karo. Tani waxay kuu sheegaysaa marka magacaaga lagu soo qaado online-ka.
  • Diyaarso qaab aad ku xusuusan karto in aad dib u eegis ku sameyso xogtaada online-ka, tusaale ahaan saddexdii biloodba mar.
  • Maanka ku hay in macluumaad kasta oo online-ka kuugu jira uu nuqul kamid ah ku haro internet-ka xitaa marka aad tirto. Tusaale ahaan, waxaa jira adeegyo keydiya xogta internet-ka.

Sug ammaanka cinwaanadaada

Dadka fuliya weerarrada online-ka ayaa sidoo kale isku-dayi kara inay jabsadaan cinwaanadaada. Ujeedkooda ayaa ah inay helaan xogtaada shakhsiga ah, inay kaa xiraan cinwaanka iyo inay cinwaanadaada ka dhex qoraan macluumaad wax u dhimi kara sumcadaada. Weriyayaashu waxa ay qaadi karaan tallaabooyin ay ku xaqiijinayaan ammaanka cinwaanadooda. Tallaabooyinka ayay tahay in la qaado ka hor inta aan lagaa jabsan cinwaankaaga.

  • U yeel dhammaan cinwaanadaada hannaanka hubinta labada jeer, gaar ahaan emailada, baraha bulshada, iyo cinwaan kasta oo ay ku jiraan macluumaad ku saabsan dhaqaalahaaga. 
  • Isticmaal tiknoolajiyadda password manager si aad u maareyso lambaradaada sirta ah. Waa in dhammaan cinwaanadaada ay leeyihiin lambar sir ah, gaar kuu ah oo ka kooban in ka badan 20 xaraf.
  • Si joogta ah dusha ugala soco cinwaanadaada, adigoo eegaya farriimaha digniinta ee ay kuu soo diraan shirkadaha aad macmiilka u tahay ee ku aaddan falalka aan caadiga ahayn.
  • Kala qeybi xogtaada online-ka. Sameyso cinwaano baraha bulshada ah oo u kala qeybsan shaqaadada iyo hawlahaada kale ee gaarka ah. Tusaale ahaan, ka digtoonow  in bogaaga Facebook ay kuugu wada jiraan dadka aad xogta ka hesho iyo xubnaha qoyskaaga. Sababtoo ah haddii lagaa jabsado cinwaanka, waxaa uun la lehi karaa xogta hal qeyb oo kamid ah noolashaada.
  • Ka feker sidii aad qaar kamid ah ama dhammaan cinwaanadaada baraha bulshada aad uga dhigi lahayd kuwo gaar ah xilliyada la beegsanayo.

La Hadal Dadka Kale

Haddii xogtaada ay kuu soo jiido handadaad dhanka online-ka ah oo aad wajahayso beegsi ama aad ka cabsi qabto, ka feker in aad dadka kale usoo bandhigto tacadiyada lagugu hayo. Waxa ay arintaa idinka caawin kartaa in aad isu diyaarisaan oo aan maareysaan weerarrada. Isku-day tallaabooyinka soo socda:

  • Ka feker in aad samaysato koox ku caawisa oo ka kooban saaxiibadaada shaqada, asxaabtaada kale iyo xubnaha qoyskaaga, kuwaas oo la socon kara cinwaanadaada, isla markaana kaa caawin kara inaad ka badbaado kelinimada ka dhalata hanjabaadaha online-ka.
  • Ka feker in qoyskaaga iyo saaxiibadaada aad u sheegto hanjabaadaha online-ka ee aad la kulantay. Dadka fuliya weerarrada internet-ka ayaa inta badan beegsada xubnaha qoyska, marka waa muhiim inay bartaan qaabka ay ku yareyn karaan in cinwaanadooda baraha bulshada ay dibedda ka galaan.
  • Hubi in warbaahinta aad u shaqeyso ay leedahay qorshe ku aaddan hanjabaadaha online-ka. Ka feker in tifaftirahaaga ama shaqaalaha aad kala hadasho sidii aad goobta shaqada uga heli lahayd taageerada aad u baahan tahay.

Wax Ka Qabashada Kuwa Dadka Handada

In aad u jawaabto kuwa online-ka kugu handada ayaa inta badan waxa ay sii murjin kartaa xaaladda. Weerarrada online-ka ee abaabulan ayaa ka dhigan in tirada dadka weerarka fulinaya oo badan awgeed, uusan weriyaha awoodi karin inuu ka jawaabo dhammaan farriimaha, faalooyinka iyo emailada ka dhanka ah, waxaana dhici karta in cinwaanadiisa baraha bulshada uu u adeegsan waayo hawlahiisa warbaahineed. Tallaabooyinka soo socda ayaa kaa caawin kara wax ka qabashada dadka tirada badan ee kugu weerarra online-ka:

  • Maanka ku hayay in ujeedada dadka kugu weeraraya online-ka ay tahay inay kaa caraysiiyaan, ayna sii kordhinayaan dhibaatada ay kugu hayaan haddii aad u jawaabto.
  • Ogow in dhammaan cinwaanada lagaa soo weerarayo aanay ahayn kuwo ay leeyihiin dad caadi ah. Qaarkood waxa ay noqon karaan cinwaano otomaatic ah, halka kuwo kalena ay noqon karaan dad lacag lagu siiyay inay shakhsiyaadka ku beegsadaan online-ka.
  • Samee hannaan aad ku diiwaangelin karto xadgudubyada, gaar ahaan waxyaabaha aad u aragto inay khatar kugu yihiin, isla markaana horseedi kara in jir ahaan laguu dhibaateeyo. Sidoo kale, diiwaangeli cinwaanada sida joogatada ah kuu daba dhigta. Caawinaad raadso haddii aad dareento in hanjabaadaha ay wax u dhimayaan caafimaadkaaga.
  • Sawir ka qaad aflagaadada, gaar ahaan farriimaha ama sawirada xadgudubka ah, xilliga la soo diray iyo cinwaanka laga soo diray. Diiwaangeli xilliyada ay dhaceen xadgudubyada laguu geystay, maadaama ay arintaas ku caawin karto marka aad u bandhigeyso warbaahinta aad u shaqeyso iyo hay’adaha dowladda.
  • Ka feker in aad block ama mute saarto cinwaanada ku dhibay. Haddii aad dacwo u gudbiso shirkadaha baraha bulshada, meel ku qor taariikhda iyo xilliga aad dacwadda gudbisay.
  • Ka feker in aad xannibto jawaab celinta Twitter. Keliya dadka aad raacdo ayaa awoodi kara inay ka jawaab celiyaan Tweets-kaaga.
  • Marka ay joogsadaan weerarrada, waxaan billaabi kartaa in aad baarto cidda ka dambeysay iyo ujeedada ay ka lahaayeen. 

Si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku aaddan qaabka aad ammaan uga dhigi karto xogtaada online-ka ah, fadlan eeg warbixinta CPJ ee Qaabka aad Xogtaada Gaarka uga Saari Karto Internet-ka. Akhri Tallooyinka Badqabka Dijitalka xilliga Covid-19 ee CPJ si aad xog badan uga hesho badqabka marka aad guriga ka shaqeyneyso.

Fiiro gaar ah: Talooyinkan waxaa markii u horreysay la daabacay 21-kii May 2020. Taariikhda kor ku xusan waxa ay muujinaysaa xilligii u dambeeyay ee la cusbooneysiiyay.