Caqabado dhanka sharciga ah ayaa hakin kara horumarka laga gaaray xal u helidda dilalka weriyayaasha

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ayaa diiradda lagu saaray dalalka kuwa weriyayaasha dilo aan lala xisaabtamin

Horumarka aan cagaha badan ku taagneyn ee laga sameeyay yareynta dilalka daafaha caalamka loogu geysto weriyayaasha ayaa waxaa hakin kara racfaanno dhanka sharciga ah iyo hogaan la’aan siyaasadeed, sida lagu ogaaday warbixin cusub oo ay maanta daabacday hay’adda Committee to Protect Journalists (CPJ). Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ 2020 ayaa diiradda lagu saaray dalalka sida joogtada ah weriyayaasha loogu dilo, kuwa dilana aan lala xisaabtamin.

Tusmada caalamiga ah ee sanadka kasta ay CPJ ka diyaariso la xisaabtan la’aanta ayaa markale sanadkan waxaa kaalimaha hore ka galay Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Suudaanta Koonfureed xilli dagaallo iyo xasillooni la’aan siyaasadeed ay sii hurinayaan colaadaha iyo sharci la’aanta ka taagan waddamadaas. Sidoo kale, tusmada waxaa sanad kasta ku jira dalal xasilloon, kuwaas oo burcad, ururo siyaasadeed, siyaasiyiin, ganacsato iyo shakhsiyaad kale oo awood leh ay doorbidaan in hab gacan ka hadal ah ay ku aamusiyaan weriyayaasha dabagalka ku sameeya. CPJ ayaa ogaatay in musuq-maasuqa, hay’adaha dowliga ee tabarta daran iyo in aanu jirin rabitaan siyaasadeed oo lagu dardar gelinayo baaritaannada ay dhammaantood gacan ka geystaan isla xisaabtan la’aanta ka jirta dalalkaas oo ay kamid yihiin Pakistan, Mexico iyo Philippines.

Inkastoo ay hoos u dhacday tirada weriyayaasha la dilo, ayaa haddana waxaa taagan isla xisaabtan la’aanta ku aaddan dadka dilalka geysta, gaar ahaan waddamo loo arko inay xasilloon yihiin, dimuqraadiyadna ay ka jirto,” ayay tiri Courtney Radsch oo ah agaasimaha u ololeynta ee CPJ, oo intaa raacisay, “Qoysaska iyo asxaabta weriyayaasha la dilay waxay madaxda caalamka ka doonayaan inay cadaallad degdeg ah u helaan, ay wax ka qabtaan kiisaska mudada taagnaa, ayna xaqiijiyaan in kuwa dilalka geystay aan lagu sii deyn dal-daloolo dhanka sharciga ah.”

Caqabadaha muuqda ee 2020 ayaa ah kiisas aan si toos ah loogu xisaabin Tusmada. Dalka Pakistan, maxkamadda Sare ee gobolka Sindh ayaa bishii Abril burisay dembi dil ah oo lagu helay afar nin oo ku eedeysnaa in sanadkii 2002 ay dileen weriyihii Wall Street Journal Daniel Pearl. Maxkamadda Racfaanka ee Belgrade ee dalka Serbia ayaa bishii Sebtembar shaacisay inay burisay  dembi lagu helay afar qof oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaasoo ku lug lahaa dilkii 1999 loo geystay weriye Slavko Ćuruvija. Dalka Mexico, dacwad oogaha gaarka ah ee heer federal ayaa ka gaabsaday inuu kiisas cusub qabto tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Andrés Manuel López Obrador.

Philippines ayaa ka soo kacday kaalinta shanaad ee dalalka ugu hooseeya liiska oo ay ku jirtay 2019, waxayna sanadkan gashay kaalinta todobaad. Isbedalkaas ayaa muujinaya in xasuuqii Nofembar 2009 ka dhacay Ampatuan, Maguindanao, ee lagu laayay 32 weriyayaal iyo  hawlwadeenno warbaahinta ah, uu hadda ka baxay mudada 10-ka sano ah ee lagu xisaabiyo tusmada. Inkastoo ay tahay in la soo dhaweeyo xukunkii 2019  ee kiiskan, ayaa haddana waxaa xusid mudan in maxkamadeynta ay qaadatay 10 sano, eedeysanayaashana ay racfaan qaadanayaan.

CPJ ayaa u halgamaysa soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta iyadoo u ololeysay asteynta Maalinta Caalamiga ah ee  Soo Afjaridda Isla Xisaabtan La’aanta  dembiyada ka dhanka ah weriyayaasha, waxaana ay hormuud u tahay Ololaha Caalamiga ah ee Ka Dhanka ah Isla Xisaabtan La’aanta  si cadaallad loogu helo weriyayaasha la dilay. CPJ ayaa hogaaminaysa dacwad lagu weydiisanayo hay’adaha Sirdoonka Maraykanka inay soo bandhigaan xogta ay ka hayaan khatarta uu wajahayay weriyihii Sacuudiga Jamal Khashoggi ka hor inta aan la dilin.

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ayaa sanad kasta la shaaciyaa 2-da Nofembar oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Soo Afjaridda Isla Xisaabtan La’aanta Dembiyada ka dhanka ah Weriyayaasha. Qaabka loo diyaariyay tusmada ayaa ah in CPJ ay xisaabiso tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan xal loo hellin, iyada oo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaas. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2010 illaa 31-kii Agoosto 2020

Waxaad ka heli kartaa warbixinta “La Xisaabtan La’aanta Kuwa Dila Weriyayaasha: Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ 2020,” iyo macluumaadka Ololaha Caalamiga ee CPJ ee Ka Dhanka ah Isla Xisaabtan La’aanta boggeena internet-ka. Waxaa diyaar kuugu ah tarjumaadda luuqadaha Carabiga, English, French, Spanish, Portuguese, Russian, Serbian, iyo Soomaali. Si aad u waraysato khabiir ka tirsan CPJ, fadlan email u dir [email protected]