Artwork: Jack Forbes
Sawir Gacmeed: Jack Forbes

Badqabka Muuqda: Weerarrada Argagixisada

Weerarrada argagixisada ayaa si weyn isu bedalaya, khatartuna waa mid si dhakhsa ah u rumoobi karta – oo noqon karta qaraxyo, weerarro ay fuliyaan dabley, weerarro loo adeegsado toori, gawaari ama xitaa xarumo la qabsado.

Si ay u yaraato khatartaas:

·      Xaqiiji in aad haysato qalabka difaaca jirka ee ku haboon xaaladdaas.

·      Hawshaada yaaanay kaa mashquulin in aad la socoto xaaladda goobta aad ku sugan tahay. Jawiga iyo dareenka dadka goobta ku sugan ayaa degdeg isu bedali kara. Feejignow oo diyaar u noqo in aad dhaqaaqdo xilli kasta.

·      Xusuusnow in kooxaha gurmadka degdega ah iyo warbaahinta ay bartilmaameed u yihiin argagixisada ayna khatar kala kulmi karaan qaraxyada labaad. Goobta aad taagan tahay ayaa muhiim u ah badqabkaaga. Aad u koob muddada aad ku sugan tahay goobta ay wax ka dhaceen, kana yara fogow si aad uga badbaado weerarrada xiga midka koobaad.

·      Xilliyada ay dhacayaan weerarrada is xigxiga, waxaa muhiim ah in aadan joogsan. Qiimee goob kasta oo aad ku sugan tahay, oo aqoonso meelaha laga baxo iyo goobaha badqabka leh.

·      Iska ilaali in aad u dhawaato meelaha dadka badan ama goobaha uu burburka ka muuqdo.

·      Dhinac uga bax dadka meesha ku soo xoomay, maankana ku hay inay isu bedali karaan kuwo caraysan.

·      Qiimee badqabka goobaha aad ka sameyneyso tebinta tooska ah ama aad isaga duubeyso muuqaalka. Goobaha ay sida sahlan dadka usoo geli karaan ayaa sare u qaadaya khatarta kaaga iman karta dadka caraysan ee ku waxyeeleyn kara ama ku carqaladeyn kara.

·      Haddii aad shaqeyneyso habeen, ka taxadar khatarta kaaga iman karta laamaha ammaanka iyo shacabka feejigan.

·      Ha ku daynin weriyayaasha kale ee ay dhici karto inay u bareeri karaan khatarta. Markasta ku tiirsanow fahankaaga xaaladda iyo go’aankaaga. Inkastoo dadka badan ay ku dareensiin karaan ammaan, haddana waxaa laga yaabaa in ay ku geliyaan kalsooni been ah.

Si aad faahfaahin dheeraad ah uga hesho diyaargarowga hawsha ka hor iyo kaalmada kadib marka ay wax dhacaan, booqo Xarunta Macluumaadka CPJ.