Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed oo ay garbaha ka taagan yihiin mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa 26-kii Juun 2020 khudbad u jeediyay dad ku sugnaa Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho oo dayactir lagu sameeyay. Maxkamadda milateriga ee Soomaaliya ayaa 5-tii Agoosto 2020 dembi ku weyday weriye Maxamed Cabdiwahab Nuur. (Xuquuqda sawirka Reuters/Feisal Omar)

Maxkamadda milateriga Soomaaliya oo dembi ku weyday weriye Maxamed Cabdiwahab Nuur

Nairobi, Agoosto 5, 2020—Iyadoo ka jawaabaysa xukunkii ay maanta maxkamadda milateriga Soomaaliya ku riday weriye idaacadeed Maxamed Cabdiwahab Nuur, kaasoo ay ku weyday eedeymihii ahaa inuu dil geystay kana tirsan yahay ururka Al-Shabaab, ayaa Hay’adda Caalamiga ah ee Difaaca Weriyayaasha waxa ay soo saartay qoraalka soo socda:

“Waxaan ku faraxsannahay in maxkamadda milateriga ay caddeysay in Maxamed Cabdiwahab Nuur uusan gelin dembiyadaasi, wax lug ahna aanu ku lahayn eedeymihii been abuurka ahaa ee uu sida sharci darrada ah ugu xirnaa ku dhawaad shan bilood. Waxaan soo dhaweyneynaa inuu dib u helay xorriyadiisa,” ayay tiri Muthoki Mumo oo ah wakiilka dalalka Saxaraha ka hooseeya u qaabilsan CPJ. Waxa ay intaa raacisay, “Waxaa hadda dowladda looga baahan yahay inay damaanad qaado in Maxamed uu sii wadan karo xirfaddiisa weriyenimo oo aanay ku dhibaateyn saraakiisha dowladda.”

Mohamed oo ku magac dheer Abuuja ayaa 7-dii Maarso waxaa qabtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya, waxaana uu xirnaa isagoo aan loo oggolaan inuu xiriir la sameeyo qoyskiisa, kadib markii ay saraakiishu ku eedeeyeen inuu dil geystay, kana tirsan yahay ururka Al-Shabaab, sida lagu xusay warbixinnada hay’adda CPJ. Maxamed oo ka tifaftire ka ah idaacadda gaarka loo leeyahay ee Hiigsi, ayaa 3-dii Agoosto waxaa la soo taagay maxkamadda milateriga, iyadoo maanta ay maxkamaddu ku weyday dhammaan eedeymihii loo haystay, sida ay sheegeen qareenkiisa Daahir Maxamed Cali iyo xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalla Axmed Muumin oo labaduba qaab farriimo qoraal ah ugu warramay CPJ iyo sidoo kale wararka saxaafadda.