Somali freelance journalist Abdalle Ahmed Mumin. (Abdalle Ahmed Mumin)
11-kii Oktoobar 2022, askar ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, ayaa xiray weriye madax bannaan Cabdalle Axmed Muumin, kana mid ah asaasayaasha isla markaana ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS). (Xuquuqda sawirka: Cabdalle)

Sirdoonka Soomaaliya oo xiray Cabdalle Axmed Muumin oo u ololeeya xorriyadda saxaafadda

Nairobi, 11-ka Oktoobar, 2022 – Iyadoo ka jawaabaysa wararka sheegaya in la xiray Cabdalle Axmed Muumin oo ah weriye madax bannaan una ololeeya xorriyadda saxaafadda Soomaaliya, ayaa hay’adda Difaaca Weriyayaasha (CPJ) waxa ay Talaadadii baahisay qoraalkan, iyadoo ku dalbatay in degdeg loo sii daayo:

“Cabdalle Axmed Muumin waxa uu si joogta ah oo cabsi la’aan ah ugu ololeeyaa xuquuqda ay weriyayaasha Soomaalida u leeyihiin inay wararka u tebiyaan si xor ah oo madax bannaan. Xarigiisa waa gardarro aan la aqbali karin, waxaana shaki la’aan ah inay cabsi gelinayso warbaahinta Soomaaliyeed,” ayay tiri wakiilka CPJ u qaabilsan dalalka ka hooseeya saxaraha, Muthoki Mumo oo hadalkeeda raacisay: “Waa in dowladdu si degdeg ah oo bilaa shuruud ah ku sii dayso Cabdalle Axmed Muumin, ayna ka shaqeyso jawi ay weriyayaasha Soomaalida ah cabsi la’aan ku shaqeyn karaan.”

Abaare 5-tii galabnimo Talaadadii, askar ka tirsan sirdoonka oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa xiray Cabdalle, oo mid ah asaasayaasha isla markaana ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), sida uu sheegay gudoomiyaha, kana mid ah asaasayaasha ururkaas Maxamed Ibraahim Isaaq oo qaab farriin ah kula hadlay CPJ, laguna sheegay qoraalo ay warbaahinta Soomaalida soo dhigtay Twitter. Cabdalle oo xilliga la xirayay u safrayay Nairobi ayaa kadib loo dhaadhiciyay xabsi ay maamusho hay’adda nabad sugidda iyo amniga qaranka ee NISA, sida uu sheegay Maxamed.

Qoraal uu Twitter-ka soo dhigay waxyar ka hor inta aan la xirin, ayaa Cabdalle waxa uu ku sheegay in askar ka tirsan sirdoonka ay galabnimadii Isniinta isku dayeen inay xoog ku galaan xafiiska ururkiisa ee Muqdisho, isla markaana ay handadeen dadka kale ee degan dhismaha. Maxamed ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in isku daygaas iyo xariga Cabdalle ay xiriir la leeyihiin shir safaaxadeed ay Isniintii ku qabteen xafiiskooda Muqdisho, kaas oo shan kamid ah ururada maxalliga ah ee u dooda xuquuqda warbaahinta ay ku cambaareeyeen amar dhawaan ka soo baxay dowladda oo lagu mamnuucay in si ula kac ah ama aan ula kac ahayn ay warbaahinta iyo dadweynaha “u baahiyaan fekerka xagjirnimada”.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa qaab farriin ah ugu sheegay CPJ in xariga Cabdalle aanu wax xiriir ah la lahayn saxaafad ama aragtida weriyayaasha. Mar aanu weydiinay inuu caddeeyo sababta loo xiray Cabdalle, waxa uu ku jawaabay inuu xogtaas nala wadaagi doono marka “laamaha amniga ay dhameeyaan arrinta.” Cabdiraxmaan ayaa sheegay in amarka dowladda ee la dagaalka fekerka xagjirnimada lagu beegsanayo dacaayadda Al-Shabaab, dowladuna aanay “waxba u dhimi doonin xoriyadda shacabkeeda”.