Sawir laga jaray muuqaal uu Saab TV ka diyaariyay sagaalka weriye ee laga qabtay afaafka hore ee xabsiga xilli ay tebinayeen dagaalka ka dhacay jeelka Hargeysa 13-kii Abriil 2022. Laga billaabo bidix qeybta kore, Maxamed Cabdi Ilig, oo u warrama, gudoomiye na u ah MM Somali TV; Xasan Galaydh, weriyaha BBC; Sagal Mustafe Xasan, weriyaha VOA; Naciima Cabdi Axmed, asaasaha warbaahinta Carro Edeg; Axmed Maxamud Yuusuf, muuqaal duube Saab TV; Caydaruus Maxamed, weriyaha ahna madaxa warbaahinta Goobjoog u qaabilsan Hargaysa; Axmed Sacid Xasan Shimali, weriye ka tirsan Horn Cable TV; Maxamed Jamaal Jirde, muuqaal duube ka tirsan MM Somali TV; iyo Axmed Nuur Samrawi, weriye ka tirsan Bulsho TV reporter. (Screenshot: Youtube/Saab TV)

Shan iyo toban weriye oo loo xidhay tebinta dagaal ka dhacay xabsiga Hargeysa, Somaliland

Nairobi 15-ka Abriil, 2022 – Waa in mas’uuliyiinta Somaliland ay si shuruud la’aan ah oo aan dacwo wadan u sii daayaan 13 weriye oo tan iyo 13-kii Abriil xidhan, isla markaana aanay wax kiis ah ku soo oogin laba weriye oo markii dambe la sii daayay, waxaa sidaa Jimcihii sheegtay hay’adda the Committee to Protect Journalists. 

Galabnimadii Arbacada ee 13-ka Abriil, laamaha ammaanka – gaar ahaan booliska iyo sirdoonka Somaliland – ayaa xidhay ugu yaraan 9 weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah iyo laba warbaahin caalami ah, xiili ay tebinayeen dagaal maxaabiista iyo ilaalada ku dhexmaray xabsiga Hargeysa, sida lagu sheegay warbixinnada warbaahinno kala duwan iyo qoraallo ka soo baxay ururada xoriyadda saxaafadda. Laba kamid ah weriyayaasha la xidhay ayaa la sii daayay saacado kadib, sida ay sheegeen ururada saxaafadda iyo qoraal ka soo baxay Xarunta Xuquuqda Aadanaha. 

Saacado kadib, ciidamada ammaanka ayaa xoog ku galay xarunta telefishinka Horn Cable, oo kamid ahaa warbaahinta markiiba tebisay wararka dagaalka xabsiga, waxaana ay xidheen lix weriye, sida uu shir jaraa’id ku sheegay gudoomiyaha ururka SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed, ayna qoraal wadajir ah ku sheegeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ee xaruntoodu tahay Muqdisho, iyo weliba Cabdikariim Saciid Saalax oo ka tirsan weriyayaasha Horn Cable oo qaarb farriin ah ay kula xiriirtay CPJ. Cabdikariin ayaa sheegay in ragga weeraray xarunta telefishinka ay ahaayeen boolis. 

Saaxiibadda weriyayaasha xidhan ayaa sheegay in aan la soo taagin maxkamad. Ma aysan u suuragelin CPJ inay si madax bannaan u xaqiijiso halka lagu hayo 13-ka weriye ee weli xidhan, ama eedeymaha ay booliska u haystaan suxufiyiintaas. 

“Xadhiga baahsan waxa uu muujinayaa dulqaad la’aanta ay Somaliland u hayso warbaahinta madaxa bannaan ee ka dhigtay meel ay khatar ku wajahaan hawlwadeennada saxaafadda,” ayay tiri wakiilka CPJ ee dalalka ka hooseeya saxaraha, Muthoki Mumo. “Waa in mas’uuliyiinta ay sii daayaan dhammaan weriyayaasha u xidhan hawshooda, ayna u fasaxaan inay ku laabtaan shaqooyinkooda faragelin la’aan, isla markaana ay xaqiijiyaan in laamaha ammaanka aysan mar dambe xidhin ama handadin weriyayaasha shaqadooda gudanaya.”

Shir jaraa’id oo ay si online ah u baahisay warbaahinta dowladda, ayaa wasiirka cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed waxa uu weriyayaasha ku eedeeyay inay ku degdegeen goobta “si ay u tebiyaan war aan la xaqiijin.” Isla shirkaa jaraa’iid, taliyaha ciidanka asluubtam Axmed Cawaale Yuusuf, ahna taliyaha ciidamada ilaalada xabsiyada, ayaa wacad ku maray inuu dacweyn doono “dadka buun-buuniyay dhacdada” maadaama ay “wax u dhimeen mooraalka ciidamada ayna ka been sheegeen”.

Sida ay warbaahintu sheegtay, lagu baahiyay qoraallada, ayna qireen qaar kamid ah xarumaha shaqaaleysiiyay weriyayaasha xidhan iyo suxufiyeen ay shaqo wadaag yihiin oo la hadlay CPJ, sagaalka weriye ee laga qabtay xabsiga agtiisa ayaa kala ah: 

Naciima Cabdi Axmed, asaasaha warbaahinta Carro Edeg, waxa ay kamid ahayd sagaalka weriye ee lagu xidhay xabsiga hortiisa 13-kii Abriil 2022. Waxaa laga qaaday sawir ilkaha ah, kadib markii sida ay sheegtay inay jirdileen askartii xidhatay. (Xuquuqda sawirka: Naciima)
  • Naciima Cabdi Axmed, asaasaha warbaahinta Carro Edeg
  • Maxamed Cabdi Ilig, oo u warrama, gudoomiye na u ah MM Somali TV
  • Maxamed Jamaal Jirde, muuqaal duube ka tirsan MM Somali TV
  • Caydarus Maxamed, weriyaha ahna madaxa warbaahinta Goobjoog u qaabilsan Hargeysa
  • Axmed Nuur Samrawi, weriye ka tirsan Bulsho TV
  • Axmed Siciid Xasan Shimali, weriye ka tirsan Horn Cable 

Booliska iyo askarta sirdoonka ayaa sidoo kale isku dayay inay xidhaan Xamse Xirsi Xayd oo weriye iyo maamule ka ah telefishinka CBA, balse waa la sii daayay markiiba kadib markii ay ciidanka isku khilaafeen in la qabto iyo in kale, sida uu weriyaha u sheegay CPJ oo kula xiriirtay farriin qoraal ah, uuna xaqiijiyay qof kale oo xog ogaal ah, balse ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyay cabsi amni awgeen. 

Sagal iyo Naciima ayaa la sii daayay kadib saddex ilaa afar saac oo ay xabsiga ku jireen, sida uu noo sheegay isla xog ogaalkaas sare, ay noo xaqiijisay Naciima oo CPJ ay kula xiriirtay farriin qoraal ah, iyo weliba sida lagu sheegay qoraal ay VOA u soo dirtay CPJ. Warbaahinta VOA ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Somaliland aanay u cadeyn sababta loo xidhay Sagal. 

Naciima Cabdi Axmed, asaasaha warbaahinta Carro Edeg, ayaa u sheegtay CPJ in askarta ay laad iyo garaac isugu dareen kadib marka ay qabteen, uuna jirka xanuunayo, halka sideed ilig “ay dhaq-dhaaqayaan.”  (Xuquuqda sawirka: Naciima)

Naciima ayaa CPJ u sheegtay in lagu xidhay xarunta sirdoonka, isla markaana laga qaaday telefoonkeeda ayna askarta ku eedeeyeen inay wax u dhintay amniga dalka oo ay duubtay “xog xasaasi ah”. Waxa ay sheegtay in askartu ay garaaceen oo ay jug ka gaarsiiyeen wejiga. Waxa ay intaa raacisay inay xanuun ka dareemayso jidhka oo dhan, gaar ahaan gacanta, ayna jug gaartay sideed kamid ah ilkaheeda, isla markaana ay u tagtay dhakhtar ilkaha ah oo siiyay xanuun baabi’iye. 

Ciidamada weerarray xarunta Horn Cable ayaa xiray weriyayaasha kala ah: Cabdijabar Maxamed Xuseen, Maxamed Suldan Axmed, iyo Khaalid Maxamed Aleeli, iyo sidoo kale muuqaal duubayaal: Ayaanle Cabdi Buuni, Mustafa Muxumed Cabdi, iyo Cabdifataax Maxamud Ismaaciil, sida uu sheegay Cabdikarim. Gudoomiye Sakariye, ayaa shirka jaraa’iid ee 13-kii Abriil ku sheegat in askarta ay halkaa ka qaateen laba kaamero. 

Isla shirkaas jaraa’id, Sakariye ayaa sheegay in shan weriye lagu hayo saldhiga dhexe ee Hargeysa, iyadoo aan la ogeyn goobta ay ku xidhan yihiin inta kale. SJS ayaa sheegtay in todobo kamid ah weriyayaasha ay ku xidhan yihiin xarunta sirdoonka, halka inta hartayna ay ku jiraan saldhiga dhexe ee Hargeysa, arrintaas oo ay sidoo kale sheegeen Cabdikariim iyo Cabdishakur Dayib Maxamed, agaasimaha MM Somali TV, oo farriimo qoraal ah kula hadlay CPJ. 

Agaasimaha Bulsho TV,  Cli Faarax Hardi, iyo agaasime kuxigeenka Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa CPJ qaab farriimo qoraal ah ugu sheegay in aanay hubin halka lagu hayo weriyayaashooda. 

CPJ ayaa garaacday, farriimana u dirtay telefoonada taliyaha booliska Somaliland, Jeneral Maxamed Aadan Saqadhi, taliyaha sirdoonka, Maxamed Saleebaan Xasan, wasiirka cadaaladda, Saleebaan Warsame Guleed, oo dhammaantood aan laga jawaabin. CPJ ayaa weyday halka lagala xiriiro taliyaha ciidanka asluubta Somaliland, Axmed Cawaale Yuusuf. Hay’adda ayaa sidoo kale farriimo ku dirtay baraha Facebook iyo Twitter ay ku leeyihiin wasaaradaha cadaaladda, warfaafinta iyo arrimaha dibedda ee Somaliland, balse cidna kama soo jawaabin. Farriin ay CPJ ku dirtay barta Twitter uu ku leeyahay xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaan laga jawaabin.