Agaasimaha MM Soomaali TV, Maxamed Cabdi Ilig iyo weriye Cabdijabbar Maxamed Xuseen oo ka tirsan Horn Cable TV ayaa 23-kii May 2022 waxa ay maxkamad ku taalla Hargeysa ku xukuntay sanad iyo afar bilood oo xabsi ah (Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed).

Laba weriyeyaal Soomaali ah oo 16 bilood loogu xukumay war been ah

New York, 23-ka May, 2022 – Iyadoo ka jawaabaysa wararka warbaahinta iyo qoraallada ka soo baxay hay’adaha maxalliga ah ee xuquuqda aadanaha ee sheegaya in Isniintii ay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ku xukuntay weriyayaasha kala ah: Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijabbar Maxamed Xuseen min 16 bilood oo xabsi ah, iyagoo loo haysto dacaayad ka dhan ah dowladda iyo faafinta warar been abuur ah, ayaa hay’adda difaaca weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalists (CPJ) waxa ay soo saartay qoraalkan ay ku cambaaraynayso xukunka: 

“Ma ahayn in Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijabbar Maxamed Xuseen loo xidho tebinta war degdeg ah oo markaa taagnaa. Aad baan uga niyad jabnay qaabka loo maxkamadeeyay iyo xukunka adag ee lagu riday,” ayay tidhi Angela Quintal, isuduwaha mashaariicda Afrika ee CPJ oo intaa raacisay “In racfaan laga qaato eedeymahaas aan runta ahayn oo loo maro hannaanka cadaaladda Somaliland ee khaladaadka badan leh ayaa ah mid aan xaq ahayn, waqti badan qaadan doonta isla markaana aan la hubin natiijada ka dhalan doonta. Ma aha in waqti badan laga lumiyo labada weriye oo midkood uu xanuunsanayo. Waa in xukuumadda aanay uga darin xaalka xoriyadda saxaafadda Somaliland ee liita, isla markaana ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii dayso weriyeyaasha.”

Maxamed oo ah weriye iyo gudoomiyaha MM Soomaali TV, Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ka tirsan weriyeyaasha Gobonimo TV iyo Cabdijabbar oo u warrama Horn Cable TV ayaa kamid ahaa 18 weriye oo 13-kii Abriil loo xidhay tebinta rabshad ka dhacday jeelka weyn ee Hargeysa oo u dhexaysay maxaabiista iyo ilaalada xabsiga, sida ay xilligaa diiwaangelisay CPJ. Inta badan weriyeyaasha ayaa markii dambe la sii daayay, sida uu qoraal ku sheegay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ee fadhigiisu yahay Muqdisho. Maxamed ayaa aad u xanuunsan, waxaana uu sii darsaday markii la xidhay, sida ay sheegtay Yasmiin Cumar Maxamuud, gudoomiyaha hay’adda maxalliga ah ee Human Rights Centre Somaliland. CPJ ma aanay u suuragelin inay faahfaahin ka hesho xaaladda caafimaad ee weriyahaas. 
Maxamed, Cabdijabbar iyo Cabdiraxmaan ayaa lagu soo oogay qodobada 215 iyo 328 ee xeerka ciqaabta kuwaas oo khuseeya “dacaayadda ka dhanka ah qaranka” iyo baahinta warar been abuur ah, sida ay sheegtay xarunta Human Rights Centre Somaliland, laguna xusay qoraal ay wadajir u soo saareen hay’adaha SJS iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA). Dhegaysiga dacawadda weriyayaasha ayaa ahaa mid “degdeg ah”, oo aanay “goobjoog ka ahayn qareennada difaacaya iyo xubnaha qoysaskooda,” sida lagu sheegay qoraalka SJS iyo SOMA. Maxkamadda ayaa dembi ku weyday Cabdiraxmaan.