Askar ka tirsan laamaha ammaanka oo qabanaya weriyayaal shaqo ku guda jira, waxaana sawiray sawir-qaade Reuters u shaqeeya ka hor inta aan qudhiisa lagu qaban Minsk, Belarus 28-kii July 2020. (Reuters/Vasily Fedosenko)

Badqabka Muuqda iyo Kan Dijitaalka: Xariga iyo Qabashada

Tebinta wararka qaar – sida tacaddiyada xuquuqda aadanaha, musuq-maasuqa ama rabshadaha – ayaa weriyayaasha u horseedi kara khatar ah in la xiro ama la qabto, gaar ahaan dalalka ay ka jiraan nidaamyada keli-taliska ah ama ay ka hawlagaan ciidamo badan.

Marka ay ku qabtaan laamaha ammaanka, waa inta badan wanaagsan in aad amarkooda raacdo, xitaa haddii aysan tallaabooyinkaas sharci ahayn, si aanay dhibaato kuu gaarin.

Weriyayaashu waxa ay raaci karaan talooyinkan ku aaddan badqabka muuqda iyo kan dijitaalka ah si ay isu difaacaan.

Talada Badqabka Dijitaalka

In aad qaado tallaabooyin aad ku xaqiijinayso ammaanka qalabkaaga iyo xogta ku jirta ka hor suuragalnimada ah in lagu xiro ayaa waxa ay yareyn kartaa fursadda ay dadka kale ku heli karaan macluumaadka kugu saabsan ama xogta cidda aad warka ka hesho. 

Diyaarinta Qalabkaaga

Haddii lagu qabto ama lagu xiro, waxaa dhici karta in qalabkaaga lagaa qaado oo la baaro.

Raac tallaabooyinka soo socda si aad u sugto ammaanka qalabkaaga iyo xogta ku jirta:

  • Ku xir qalabkaaga pin ama lambar sir ah. Ogow in mas’uuliyiinta dowladda ay weli furi karaan qalabkaaga.
  • Wax ka ogow sharciga khuseeya encryption-ka ee dalka aad u socoto, kana feker in aad hannaankaas ku isticmaasho kombiyuutarkaaga iyo qalabka adeegsada barnaamijka Android. Telefoonada u dambeeyay ee iPhone waxa ay leeyihiin encryption u gaar ah. Waxaad u baahan tahay in aad demiso qalabkaaga si uu kuugu shaqeeyo encryption-ka.
  • Ogow xogta, gaar ahaan sawirada iyo dukumiintiyada ku jira qalabkaaga iyo meelaha ay ku keydsan yihiin. Ka saar xogta aad isleedahay khatar ayay kuu keeni kartaa.
  • Si joogta ah macluumaadkaaga ugu wareeji qalab kale sida hard drive. Kadibna macluumaadkaas ka tir qalabka aad wadato. Maanka ku hay in dowladda ama kooxaha burcadka ah ee awoodda badan u leh tiknoolajiyada ay soo ceshan karaan xogta la tiray.
  • Ku xir hannaanka encryption-ka qalabkaaga sida hard drives-ka. Waa wax wanaagsan in macluumaadkaaga aad ku keydiso wax ka badan hal meel oo aad ku aaminto qalab kala duwan oo yaalla meel ka baxsan xafiiska ama gurigaaga, kuwaas oo la baari karo haddii lagu xiro. 
  • Si joogto ah u masax baraha aad booqatay, cinwaanadaadana ka saar qalabka aad ka gashay.
  • Ogow xogta ku jirta apps-ka farriimaha ee aad isticmaasho, si joogta ahna meel kale ugu keydi kadibna ka tir qalabka.
  • Si wanaagsan u maaree xogta ku jirta telefoonkaaga iyo apps-ka farriimaha. Ka saar macluumaadka shakhsiyaadka magacyadooda aad dhiibato kala kulmi karto ama aad u geysan karto. Ogow in macluumaadka xiriirka shakhsiga ah ay ku keysamaan apps-ka ama cloud, iyo weliba lafta telefoonka.
  • Diyaari qaab meel fog looga masixi karo xogta qalabkaaga. Haddii ay xaalad ku soo food saarto, waqti uma heli doontid in aad masaxdo xogta qalabkaaga. Waxaad qof aad ku kalsoon tahay ka codsan kartaa in ay xogta meel fog ka masaxaan waa haddii lagu xirto. Waxaa markaa qasab ah in qalabka uu leeyahay internet. Ka feker in masixida xogta qalabkaaga ay abuuri karto tuhun kugu aaddan.
  • Haddii lagaa qaado qalabkaaga oo la geeyo meel aadan arki karin, kadibna laguu soo celiyo muddo kadib, waxaa suuragal ah inay ku soo shubeen barnaamij lagugu basaasi karo. Haddii ay suuragal tahay, soo iibso qalab cusub. Haddii kale, waxaad foomat gareyn kartaa telefoonkaaga, balse ogow in weli uu fayraska ku sii baaqi ahaan karo.

Ilaalinta cinwaanadaada

Haddii lagu qabto, waxaa lagu weydiin karaa in aad sheegto lambarka sirta ah ee cinwaanadaada internet-ka. Inkastoo aadan dadka ka celin karin in ay furtaan cinwaanadaada, haddana waxaad qaadi kartaa tallaabooyin ka hortag ah oo aad ku xadideyso xogta ay heli karaan.

Xakamee xogta ay dadka ka heli karaan cinwaanadaada:

  • Si joogta ah dib u eegis ugu samee xogta ku jirta cinwaanadaada, gaar ahaan emailada iyo baraha bulshada. Maanka ku hay macluumaadka khatarta u horseedi kara naftaada iyo dadka kale.
  • Si joogta ah u wareeji xogtaas oo ka tir cinwaanada, gaar ahaan farriimaha hore ee emailka iyo baraha bulshada. Maanka ku hay in xogtaas ay ka tirmayso dhankaaga oo keliya, balse ay ku harayso cinwaanka qofka aad la xiriirtay. Haddii aadan isticmaaleyn adeegyada leh end-to-end encryption sida Signal ama WhatsApp, nuqul kamid ah xogtaada, sida emailada iyo farriimaha ayaa la yaal shirkadda, taasoo ay dowladdu ku amri karto inay ku wareejiso.
  • Cinwaanadaada baraha bulshada waxa ay xog badan ka bixiyaan cidda aad la xiriirto, gaar ahaan marka la eego liiska dadka kuugu jira. Waxaa xogtaas loo adeegsan karaa in lagu ogaado cidda aad xiriirka shaqo iyo midka gaarka ah leedihiin. Dib u eegis ku samee asxaabtaada baraha bulshada oo meesha ka saar cid kasta oo khatar kuu horseedi karta. Nuqul kamid ah xogtaas ayaa weli u keydsanaan doona shirkada, waxaana heli kara dowladda.
  • Ogow in sawirada iyo muuqaalada la soo dhigo online-ka loo adeegsan karo in lagu aqoonsan dadka aad la xiriirto, sida xubnaha qoyskaaga ama dadka aad shaqo wadaagta tihiin, gaar ahaan kuwa xogta ku siiya.
  • Ka taxadar in lagaa jabsado cinwaanadaada adiga oo ka baxaya qalabka aad ka gashay, si joogta ahna u masaxaya bogaga aad horay u booqatay. Xakamee tirada apps-ka farriimaha iyo emailada ee kuugu jira telefoonkaaga iyo kombiyuutarkaaga.

Talada Badqabka Muuqda

Waxyaabaha tixgelinta mudan ka hor u bixida shaqada

Baaritaan ku samee oo fahan xuquuqda ka weriye ahaan aad ku leedahay dalka aad ka soo warrami rabto. Isku-day inaad ogaato:

  • Waxyaabaha laguu xiri karo ama aan laguu xiri karo
  • Faahfaahinta weriyayaasha horay loo xiray iyo qaabka loola dhaqmay
  • Ciidamada ay u badan tahay inay ku qabtaan maalintii (sida boolis labisan, sirdoon dharcad ah, milateriga, iwm.)
  • Mudada xabsiga lagugu hayn karo ka hor inta aan maxkamad la geyn
  • In laguu oggolaan karo inaad cid wacato iyo cidda ay tahay
  • In aad heli karo qareen aad isku luuqad tihiin
  • Cidda bixinaysa kharashka qareenkaaga
  • In safaaradaada ama qunsuliyada wadankaaga lagu wargelinayo xarigaaga
  • Meesha lagu geyn karo marka lagu xiro
  • Ka feker in qalabka aad safarka u qaadaneyso uu sare u qaadi karo in lagu xiro (sida telefoonnada satellite-ka, kuwa halow-halowga, qalabka fogaan araga, dharka ciidanka, ookiyaalaha habeenkii, iwm.)
  • Markasta xaqiiji in dukumiintigaaga aqoonsiga uu sax yahay oo aad wadato (sida aqoonsiga weriyaha, kan darawalnimada, baasaboorka, fiisaha, iwm.)
  • Markasta hayso telefoon dabeysan, xoogaa lacag ah, dawooyinka aad isticmaasho, biyo, cunno fudud iyo dharka dhaxanta.
  • U labiso sida ku haboon xaaladda markaa jirta. Haddii ay boolisku ku xiraan, dharka aad markaa xiran tahay ayaad muddo ku joogi kartaa.
  • Ka feker qaabka aad u falcelin karto haddii lagu qabto. Ogow in boolisku ay si adag kuula dhaqmi karaan, iyadoo la eegayo goobta iyo xaaladda markaa taagan.
  • Qaado qalabka ugu yar, si aad uga badbaado inuu kaa lumo qalabkaaga.
  • Si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho, fadlan booqo macluumaadka Risk Assessment ee CPJ.

Xiriirka

  • Sii diyaarso qareen lala xiriiri karo haddii lagu xiro. Hayso lambarka telefoonka ee qareenka oo ku keydi teleefankaaga, warqad ama ku qoro gacantaada.
  • Haddii aad dal shisheeye ka hawlgalayso, telefoonkaaga ku diyaarso qaabka degdega ah ee aad kula xiriiri karto safaaradaada ama qunsuliyadaada.
  • Iska ilaali in aad keligaa shaqeysato. Waxaa suuragal ah in haddii aad keligaa tahay ay adkaan karto in durbadiiba laga war helo xarigaaga.
  • Haddii ay jirto fursad lagugu xiri karo, diyaari qaab aad si joogta ah ugula soo xiriiri karto xafiiskaaga, qoyskaaga ama saaxiibadaa. Ku wargeli inta jeer ee aad maalintii wacayso, marka aad meel aado iyo inta aad ku maqnaan karto.

Marka aad hawsha ku jirto

  • Iska ilaali in hal meel aad muddo dheer joogto, gaar ahaan goobaha xasaasiga ah sida banaanka dhismayaasha siyaasadda.
  • Booliska dalal badan oo caalamka ah ma jecla in la sawiro ama muuqaal laga duubo. Taa maanka ku hay marka ay ka shaqeyneyso meel ay joogaan laamaha ammaanka.
  • Ha qaadan hub, khamri, daroogo ama waxyaabaha kale ee xasaasiga ah ee sare u qaadi kara fursada lagugu xiri karo.

Haddii lagu qabto/xiro

  • Ka hor inta uusan ku xiran, askariga booliska ah waa in uu kuu sheego sababta laguu xirayo. Ku baraarugsanow goobta, xilliga iyo xaaladda keentay in lagu xiro.
  • Marka kasta noqo qof degan oo xushmad badan. Haddii aad xiran tahay koofiyad iyo ookiyaale, iska bixi. Haddii ay suuragal tahay, isha ka eeg askariga, amarkiisana raaca.
  • Waxaa lagu taliyay in weriyaha uu iska ilaaliyo duubidda xarigiisa, maadaama ay ka caraysiin karto booliska isla markaana uu ku burburi karo qalabkiisa ama laga qaadan karo.
  • Markasta sida ugu haboon u ilaasho boorsadaada iyo qalabkaaga si aan loo geyn meel aadan arki karin.
  • Ku wargeli booliska xaaladdaada caafimaad, gaar ahaan haddii aad qabto cudurada neefta ama macaanka. Durbadiiba ku wargeli dawooyinka aad qaadato si aad u daryeesho naftaada.
  • Ku wargeli booliska haddii aad horay u lahayd xaalad caafimaad oo dhimirka ah amaba aad markaas wajahayso xaalad noocaas ah.
  • Haddii ay suuragal tahay, diiwaangeli xogta ugu badan ee aad ka ogaan karto askarta ku xirtay, sida magacyadooda, lambarkooda shaqada, waaxda ay ka tirsan yihiin, calaamadaha jirkooda (sida shaabadda, timaha wejiga iwm.)
  • Fiiro gaar ah u yeelo dadka meesha ka dhaw ee marqaatiga u noqon kara xarigaaga. Haddii ay suuragal tahay, ka codso inay shaaciyaan xarigaaga.
  • Haddii aadan aqoon luuqada maxalliga ah, ha saxiixin warqad kasta oo luuqadaas ku qoran illaa aad ka hesho tarjumaan ama qareen kula jooga.
  • Waxaa dhici karta in booliska ay ku baaraan ama ay dharka kaa siibaan haddii ay rumaysan yihiin in aad qarinayso waxyaabo sharci darro ah. Waxaa qasab ah in baaritaanka dharka lagaa dhigayo lagu sameeyo meel gaar ah, taasoo kaa dhigi karta mid khatarta u nugul. Waa in dhowr askari ay joogaan goobta dharka lagaaga bixinayo, halka weriyayaasha dumarka ahna ay tahay inay dalbadaan dumar baara oo dharka ka siiba.
  • Iyadoo la eegato halka aad ku sugan tahay, waxaa dhici karta in askarta booliska ay ku handadaan ama ay kugu qasbaan inaad qirato dembiga. Marka ay sidaa dhacdo, ku adkeyso doodaada, oo ha sheegan dembi aadan gelin, isla markaana sug kaalmo sharci.
  • Haddii ay booliska kuu gacan-qaadaan, isku-day inaad diiwaangeliso dhaawaca ku soo gaaray, daryeelka caafimaad ee lagu siiyay iyo cisbitaalka lagu geeyay. Isku-day inaad qorto magacyada iyo tilmaamaha kuwa dhibka kuu geystay.

Qalabka Badqabka CPJ ee online-ka ah ayaa waxa uu weriyayaasha iyo warbaahinta siiyaa macluumaadka asaasiga ah ee badqabka jireed, kan dijitaaliyo midka maskaxeed, gaar ahaan marka ay soo tebinayaan wararka rabshadaha waddamada ka dhaca. Haddii aad u baahan tahay caawinaad, weriyayaashu waxa ay la soo xiriiri karaan CPJ iyagoo isticmaalaya cinwaanka [email protected].