Inta badan weriyayaasha la dilay oo aan weli cadaallad loo helin

Isla xisaabtan la’aanta joogtada noqotay ee Afghanistan ayaa walaaceeda leh, xilli ay sii badanayaan weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha

New York, 28-ka Oktobar, 2021 – Tobankii sano ee la soo dhaafay, 226 kamid ah 278 weriye ee dilalkooda lala xiriiriyay musuq-maasuqa, dembiyada abaabulan, ururada xagjirka ah iyo aargoosi uga yimid dowladaha ayaan dilkooda cidna lagula xisaabtamin, sida lagu sheegay Tusmada La Xisaabtan La’aanta 2021 oo hay’adda the Committee to Protect Journalists ay daabacday maanta. Tusmada sanadlaha ah ayaa lagu iftiimiyaa dalalka lagu dilo hawlwadeennada saxaafadda, kuwa dilana ay baxsadaan.

“Marka ay cadaalladu saameyn ku leeyihiin musuq-maasuqa iyo khilaafka ku salaysan awoodaha siyaasadda, xooggagan ayaa aamusiya weriyayaasha iyo wararka muhiimka ah ee ay tebiyaan,” ayay tiri Gypsy Guillén Kaiser, oo ah agaasimaha ololeynta iyo warfaafinta ee CPJ oo intaa raacisay, “waxaa muhiim ah in dowladaha ay si buuxda u baaraan dembiyadaas ayna joojiyaan faafreebka ka dhasha dilalka. Ma aha hawl faraha looga qaadi karo qoysaska, asxaabta iyo ururada bulshada rayidka ah ee sida joogtada ah cadaallad ugu raadinaya weriyayaasha la dilay.”

Tusmadan ayaa wax yar uun ka duwan tii sanadkii 2020, iyadoo Soomaaliya ay sanadkii todobaad tahay dalka ugu xun la xisaabtan la’aanta dilalka weriyayaasha. Waxaa ku xiga Suuriya, Ciraaq iyo South Sudan. Tani ayaa muujinaysa la xisaabtan la’aanta joogtada ah, iyadoo todobo kamid ah dalalka ku jira liiskan ay sanad waliba ka soo muuqanayeen. 81% dhammaan kiisaska ku jira tusmada ayaa CPJ waxa ay diiwaangelisay la xisaabtan la’aan buuxda.

Dalal ay kamid tahay Mexico oo muddo badan ahaa halka weriyayaasha ugu badan lagu dilay cirifka Galbeed ee caalamka, ayaa waxaa ka dhacay xukunno muhiim ah oo la xiriira kiisaska Javier Valdez Cárdenas iyo Miroslava Breach Velducea. Hase yeeshee, weli waxaa sii socda weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha, iyadoo ugu yaraan saddex weriye la dilay tan iyo bilowgii 2021, taasoo tusaale u ah sida ay dilalka weriyayaasha u cabburin karto xorriyadda saxaafadda.

Inkastoo ay tusmada muujinayso qaar kamid ah dalalka ugu khatarta badan ee ay ka hawlgalaan weriyayaasha, ayaa haddana aysan si buuxda u soo bandhigin xaddiga culeyska haysta xorriyadda saxaafadda oo isugu jira xarig, dabagal iyo xitaa weerarro muuqda. Tusaale ahaan, kaalinta ay Afghanistan uga jirto tusmada ayaan isbedalin, hase yeeshee warbaahinta xorta ah in dalkaas ayaa cabsi wajahaysa tan iyo markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban kadib ka bixitaankii Maraykanka ee waddankaas. Xilli hannaanka garsoorka Afghanistan uu burburay, ayaa suuragalnimada ah in cadaallad loo helo 17-ka weriye ee dalkaas lagu dilay tobankii sano ee la soo dhaafay ay sii adkaatay.

Waxaa CPJ ka go’an inay cadaallad u hesho weriyayaasha la dilay iyo xaqiijinta in qoysaska iyo asxaabta ay ka baxeen ay helaan jawaabaha ay mudan yihiin. Waxaa tallaabo muhiim ah in CPJ iyo hay’adaha ay hawlwadaaga yihiin oo dowrkooda ka qaadanaya Duni Ammaan U Ah Runta ay martigelin doonaan Maxkamad Dadweyne oo Joogta ah, taasoo dilalka weriyayaasha lagula xisaabtami doono dowladaha, waxaana ay maxkamadda xukunno ku ridi doontaa dowladaha Mexico, Sri Lanka iyo Suuriya. Dhegaysiga dacwadda furitaanka ayaa dhici doonta 2-da Nofembar oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah Ee Soo Afjaridda La Xisaabtan La’aanta Dembiyada Ka Dhanka ah Weriyayaasha. Si aad faahfaahin uga hesho, ama aad uga qeybgasho dhegaysigaas, booqo halkan.

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ ayaa xisaabisa tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan la xallin, iyadoo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaasi. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2011 illaa 31-kii Agoosto 2021. Tusmadan waxaa lagu daray oo keliya dalalka ay ka jiraan kiisas gaaraya ama ka badan shan ee aan la xallin. Halkan ka akhriso Habka Diyaarinta Tusmada.

Xog khuseysa tifaftirayaasha:

Ka akhriso warbixinta “Kuwa dila weriyayaasha oo aan weli lala xisaabtamin: Tusmada CPJ ee La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee 2021,” iyo macluumaad ku saabsan Ololaha CPJ ee Ka Dhanka ah La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah boggeena internet-ka. Waxaa diyaar kuugu ah warbixinnada oo loo tarjumay luuqadaha: Arabic, Dari, English, French, Hindi, Pashto,  Portuguese, Russian, Somali, Spanish, Turkish, iyo Urdu. Haddii aad doonayso in aad waraysato khabiir CPJ ka tirsan, email u dir [email protected].