Talooyinka Badqab ee CPJ: Tebinta wararka fayraska Corona ee Safmarka ah

PEDRO PARDO / AFP

Waxaa la cusbooneysiiyay 14-kii Agoosto, 2020

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa 11-kii Maarso 2020 shaacisay in cudurka COVID-19 (fayraska Corona ee aan horay loo arag) uu yahay safmar.

Weriyayaasha caalamka oo dhan ayaa dowr muhiim ah ka cayaara sidii dadweynaha ay u heli lahaayeen wararka ku aaddan fayraska iyo dedaallada ay dowladaha uga hortagayaan inkastoo ay jiraan isku-dayo ay dowladaha dalal dhowr ah ku caburinayaan warbaahinta madaxa bannaan iyo helitaanka macluumaadka, sida ay diiwaangelisay hay’adda CPJ. Xubnaha warbaahinta ayaa wajahaya cadaadis ballaaran.Taasi ayaa ka dhigay in shaqaalaha warbaahinta ay inta badan khatar ugu jiraan qaadidda caabuqa, maadaama ay cudurka ka qaadi karaan goobaha ay u safraan, wareysiyada ay qaadaan iyo weliba deegaannada ay shaqadu geyso sida lagu sheegay waraysiyo ay CPJ la yeelatay weriyayaal. Weriyayaasha ayaa wajahay faafreeb, xarig, dhibaateyn muuqata iyo mid online ah, iyo inay waayeen noolal maalmeedkooda COVID-19 awgii, sida lagu sheegay warbixinno dhawaan ka soo baxay CPJ.

Iyadoo ay si aad ah isu bedalayso xaaladda, ayna soo baxayaan macluumaad cusub, ayaa hay’adaha ay khuseyso waxa ay soo saarayaan talooyin joogta ah oo ku saabsan cudurka. Sida ay ula socdaan wararkii ugu dambeeyay, waa in weriyayaasha tebinaya cudurka ay isha ku hayaan  xogta ay faafiso hay’adda WHO iyo hay’adaha caafimaadka ee maxalliga ah.

Si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee cudurka,waxaa xog lagu kalsoonaan karo oo ammaan ah aad ka helaysaa Xarunta Macluumaadka Fayraska Corona ee Jaamacadda Johns Hopkins .

ILAALINTA BADQABKAAGA XILLIGA SHAQADA DIBEDDA

Waxaa weli taagan xayiraadaha safarka ee caalamiga ah, kuwaasii si joogta ah isu bedalaya. Dhammaan hawlaha bannaanka loogu baxo ayaa isbedali kara ama la joojin karaa iyadoo aad digniin ku filan laga bixin, maadaama ay aad isu bedalayso xaaladda cudurka ee dunida oo dhan.

Waa in kuwa qorsheynaya inay ka warramaan cudurka COVID-19 ee safmarka ah ay maanka ku hayaan macluumaadka soo socda ee ku aaddan badqabkooda:

Kahor- Hawsha

Caafimaadka Maskaxeed

Iska Ilaali Caabuqa & Inaad Qaadsiiso Dadka Kale

Inta badan dalalka ayaa ku dhaqma nidaamka kala fogaanshaha dadka, inkastoo masaafadda kala fogaanshaha ee lagu taliyay ay hadda ku xiran tahay dalka aad joogto, sida ay sheegtay Reuters.  Haddii aad ka soo warramayso meel ay ku sugan yihiin kooxaha gurmadka degdega ah ama aad booqaneyso goobaha khatarta badan ee hoos ku xusan, sii ogow tallaabooyinka faya-dhowr ee goobahaasi u degsan. Ha booqan goobahaasi haddii aad wax shaki ah ka qabto.

Talooyinka caadiga ah ee ku aaddan ka hortagga caabuqa ayaa waxaa kamid ah:

Badqabka Qalabka

Waxaa xaqiiq ah in cudurka COVID-19 uu ku faafi karo qalab uu gaaray fayraska. Hannaan nadiifin iyo buufin joogta ah ayaa loo baahan yahay in la hirgeliyo xilli kasta:

Nadiifinta Qalabka Elektorooniga ah

Qodobada soo socda ayaa tilmaan guud ka bixinaya qaabka loo nadiifin karo qalabka elektorooniga ah. Markasta akhri tilmaamaha shirkadda soo saartay kahor inta aadan qalabka nadiifin.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku aaddan tilmaamahan waxaa laga heli karaa maqaalkan.

Qalabka Difaaca Jirka ee Caafimaadka (PPE)

In si badqab ah loo gashado ama laga isaga bixiyo Qalabka Difaaca Jirka ee Caafimaadka (sida gacma-gashiga, maaskaraha wejiga, jaakadaha/iskudeyska jirka oo dhan ah, jaakadaha difaaca iyo kabaha, IWM) ayaa u baahan in sida uu yahay loo raaco nidaamka ugu wanaagsan ee badqabka. Fadlan halkan riix si aad u hesho hagaha guud ee xarunta CDC. Khatarta ah in jeermis uu kaa soo gaaro qalabkaasi ayaa aad u saraysa, marka waa in aad si weyn uga taxadarto tallaabooyinkaasi. Haddii aad wax shaki ah qabto, talo iyo tababar weydiiso khubarada kahor inta aadan u bixin hawsha.

Fadlan maanka ku hay in dalal badan ay weli aad ugu yaryihiin Qalabka Difaaca Jirka ee Caafimaadka, ayna adag tahay in la dalbado, marka isticmaalka qalabkaasi waxa ay kasii dhigi kartaa gabaabsi.

Maaskaraha Wejiga

Si quman u xirashada maaskaraha wejiga ayaa muhiimad gaar u leh weriyayaasha weli ka soo warramaya goobaha bulshada, taasoo ka dhigan inay geli karaan goobo cariiri ah, meelaha ay dadku ku badan yihiin iyo mararka ay waraysanayaan dadka. 9-kii July 2020, hay’adda WHO ayaa soo saartay talo cusub iyadoo sheegtay in cudurka COVID-19 ay u badan tahay in mararka qaar hawada lagu kala qaado. Goobaha noocaasi lagu kala qaadi karo cudurka waxaa kamid ah (balse aysan ku koobneyn) goobaha cariiriga ah ee aan lahayn ama ay ku yartahay hawada iyo meelaha ay dadku ku badan yihiin. Waa inaad maanka ku hayso in fayraska uu ku badnaan karo goobaha noocaasi ah, taasina ay ka dhigan tahay inay sareyso fursadda uu cudurka kuugu dhici karo.

Dalal badan ayaa hadda dadka ka doonayaan ama kula taliya xirashada maaskaraha ama in afka iyo sanka la daboosho xilliga uu qofka ku sugan yahay meelaha dadku ku badan yihiin sida ay werisay Al-Jazeera. Xarunta CDC ayaa ku talisay in dadka ay wejiga maro ku dabooshaan – balse aanay isticmaalin maaskaraha hawlwadeennada caafimaadka oo hadda adduunka ku yaraaday – si ay u daboolaan sanka iyo afka marka ay bulshada ku dhex jiraan. WHO ayaa ku talinaysa in dadka da’doodu ka weyn tahay 60 jir iyo shakhsiyaadka qaba xaaladaha caafimaad ay xiran karaan maaskaraha loogu talagalay hawlwadeennada caafimaadka marka aysan dadka kale ka fogaan karin. Hat;adda ayaa dhammaan dadka kale kula talisay inay xirtaan maaskaraha marada ah

Haddii aan si sax ah loo isticmaalin, waxaa jira walaac ah in maaskaraha uu qudhiisa keeni karo fayraska.daraasad ay dhawaan sameysay Lancet ayaa muujinaysa in fayraska uu muddo todobo maalmood ah ku nagaan karo maaskaraha qalliinka marka uu halkaa gaaro. Iyadoo laga duulayo daraasaddaasi ayaa in aad iska siibto maaskaraha, aad dib u isticmaasho ama aad taabato wejigaaga adiga oo xiran waxa ay ka dhigan tahay inaad khatar ugu jirto cudurka.

Haddii aadan xiran maaskaraha, waa in aad raacdo talooyinka soo socda:

Amniga Dijitaalka

Dembiga & Amniga Muuqda ee Xilliga Hawsha

Waa in weriyayaasha iyo shaqaalaha kale ee saxaafadda ay ka warqabaan cunfiga sii kordhaya ee ka dhanka ah warbaahinta iyo cadaawadda lagula kici karo, sida aflagaado, dhibaateyn muuqata xilliga ay ku guda jiraan shaqada sida dhawaan lagu arkay Maraykanka ee uu sheegay ururka dabagala xoriyadda sxaafadda ee Jarmalka, U.K., Hindiya, iyo Soomaaliya.

Dhaqaalaha caalamka ayaa ayaa weli caqabado wajahaya, dad badan ayaa shaqo la’aan kusoo dhacay isla markaana nus bilyan qof ay saboolnimo haleeshay sida ay sheegtay hay’adda Oxfam. Suurtagalnimada ah inay kordhaan falalka dembiyada ah ayaa sareysa, gaar ahaan dembiyada lagu geysto kombiyuutarrada, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda Cambridge.

Hawlaha Loogu Safro Caalamka

Xayiraadaha caalamiga ah awgood, ayaa weli waxa adag safaradda dibedda. Haddii ay suurtagal tahay in aad hawl shaqo u aado dibedda, waxaa habboon inaad ka fekerto arimahan:

Kadib-Hawsha

— Haddii aad isku aragto astaamaha cudurka

Qalabka Badqabka CPJ ee online-ka ah ayaa waxa uu weriyayaasha iyo warbaahinta siiyaa macluumaadka asaasiga ah ee badqabka jireed, kan dijitaaliyo midka maskaxeed, gaar ahaan marka ay soo tebinayaan wararka rabshadaha sokeeye iyo doorashooyinka.

[Fiiro Gaar ah: Talooyinkan waxaa markii ugu horreysay la daabacay 10-kii February 2020, si joogta ah ayaana loo cusbooneysiiyaa. Taariikhda daabacaada ee kor ku xusan ayaa muujinaysa daabacaada ugu dambeysay.]

Exit mobile version