Mina Khairi oo war tebiye u ahayd telefishinka Ariana News TV ayaa lagu dilay qarax gaari loo adeegsaday gudaha Kabul 3-dii June 2021. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkeeda. Taliban ayaa markii ay Agoosto 2021 la wareegtay xukunka waxaa sare u kacay cabsida laga qabo in la xisaabtan la’aanta kuwa weerarra weriyayaashe ee Afghanistan ay gaari doonto meel xun. (Sawirka: Ariana News TV/YouTube)

Kuwa dila weriyayaasha oo aan weli lala xisaabtamin

Ma jirto cid lagula xisaabtamay 81% dilalka loo geystay weriyayaasha tobankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu ogaaday Tusmada CPJ ee La Xisaabtan La’aanta Caalamiga ah ee 2021. 

Waxaa qortay Jennifer Dunham/Agaasime Kuxigeenka Tifaftirka ee CPJ

Waxaa la daabacay Oktobar 28, 2021

Soomaaliya ayaa weli kaalinta koobaad uga jirta dalalka aan la xallin dilalka weriyayaasha, sida lagu sheegay tusmada sanadlaha CPJ ee la xisaabtan la’aanta caalamiga ah, taasoo lagu iftiimiyo dalalka lagu dilo hawlwadeennada saxaafadda, kuwa dilana ay baxsadaan. 

Tusmada sanadkan ayaa wax yar uun ka duwan tii sanadkii hore, iyadoo Suuriya, Ciraaq iyo South Sudan ay yihiin saddexda waddan ee galay kaalimaha ku xiga Soomaaliya, xilli colaado, xasillooni darro siyaasadeed iyo taag yarida hannaanka cadaallada ay sii xoojiyeen dhibaatooyinka ka dhanka ah weriyayaasha. 

Hase yeeshee, xogtii u dambeysay ee la ururiyay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2011 iyo 31-kii Agoosto 2021 ayaan tilmaamin khatarta sii kordhaysa ee ay wajahayaan weriyayaasha Afghanistan. Dalkaas ayaa ku jirta kaalinta shanaad oo uu galay labadii sano ee la soo dhaafay. Inkastoo kaalinta Afghanistan ee tusmada aysan isbedalin, ayaa haddana waxaa aad u xumaatay xaaladda gudaha ee ay ku shaqeeyaan weriyaasha tan iyo markii uu ururka Taliban xukunka la wareegay bartamihii Agoosto 2021 kadib bixitaankii ciidamada Maraykanka iyo xulafadood iyo baxsashadii Madaxweyne Ashraf Ghani. Boqolaal weriyayaal ah oo ka cabsi qaba sida xun ee ay Taliban ula dhaqanto saxaafadda iyo dhibaatada ay kala kulmi karaan ayaa ka cararay dalkaas. 

Cadaallad u helida 17-ka weriye ee lagu dilay Afghanistan tobanka sano ee lagu muujiyay tusmada ayaan weli laga gaarin xal buuxa, iyadoo la xisaabtan la’aanta kuwa dilalkaas geystay ay hadda noqon karto mid la mid ah tan Soomaaliya iyo dalalka kale ee kaalimaha sare uga jira tusmada. Hannaanka garsoorka ee Afghanistan ayaa burbur qarka u saaran, iyadoo wararku sheegayaan in maxkamadaha la xiray, qareennada ay baxsad yihiin halka garsoorayaasha dumarka ah ay ku qasbanaadeen inay dhuuntaan. Waxaa intaa dheer in hogaanka Taliban aysan u muuqan in ay uga wanaagsanaan doonaan xukuumaddii ka horreysay ka jawaabidda baaqyada heerarka kala duwan ee lagu soo afjarayo la xisaabtan la’aanta dembiyada ka dhanka ah weriyayaasha. 

Ballanqaadyadii ay sameeyeen hogaanka Taliban ee ahaa inay ilaalinayaan xoriyadda saxaafadda ayaa meesha ka baxay maalmo uun kadib markii ay xukunka la wareegeen iyadoo dagaalyahannada ururkaas marar badan ku xadgudubeen shaqaalaha warbaahinta, iyagoo kula kacay garaac iyo xarig aan loo meeldeyin. Waxaa intaa dheer in laba kamid ah shanta weriye ee Afghanistan lagu dilay 2020 oo kala ah Elyas Dayee oo ka tirsanaa Radio Azadi iyo suxufi madax bannaan Rahmatullah Nikzad ay hanjabaado kala kulmeen Taliban ka hor inta aan la dilin. Waxaa yar suuragalnimada ah in xukuumadda cusub ee Taliban ay soo qaban doonto kuwo dilalkaas geystay. 

Weriyayaasha Afghanistan ayaa sidoo kale khatar ugu jira weerarro uga yimaada mintidiinta Daacish. Ururkaas ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo Abril 2018 lagu beegsaday warbaahin ayna ku dhinteen ugu yaraan 9 weriye, iyo weliba weerarro aargoosi ah oo lagu dilay weriyayaal ay kamid tahay Malalai Maiwand oo la kharaajiyay dabayaaqadii 2020. Todobaadyadii xigay markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban ee Agoosto 2021, ururka ISIS-K oo Daacish wakiil uga ah Afghanistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda tiro weerarro ah oo uu kamid yahay mid ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul iyo kuwo kale oo lagu beegsaday Taliban. 

Inta ay socotay tusmada 10-sano oo ahaa xilli ay jireen colaadda Suuriya, dibedbaxyadii ballaarnaa  ee ka dhanka ahaa dowladaha Carabta, iyo weerarro lagu beegsaday shaqaalaha warbaahinta oo ay fuliyeen ururro xagjir ah iyo burcad abaabulan, guud ahaan caalamka waxaa lagu dilay 278 weriye oo shaqadooda eersaday, iyadoo kuwii ka dambeeyay 226 kamid ah kiisaskaas oo u dhiganta 81% ay CPJ diiwaangelisay in aanay jirin cid loo qabtay ama loo maxkamadeeyay. Tusmada sanadkii hore (1-dii Sebtembar 2010 iyo 31-kii Agoosto 2020) CPJ ayaa diiwaangelisay isla xisaabtaan la’aan buuxda oo ah 83% kiisaska dilka weriyayaasha ah. Heerka isla xisaabtan la’aanta buuxda ayaa xoogaa hoos u dhacay sanadihii la soo dhaafay. Warbixinta “Dhabaha Helitaanka Cadaallada,”oo ay hay’adda CPJ sanadkii 2014 uga hadashay waxa sababa la xisaabtan la’aanta dilalka weriyayaasha iyo xalka macquulka ah, ayaa waxa ay ku ogaatay in kuwa dila weriyayaasha boqolkiiba 90 aan gacanta lagu soo dhigin sanadihii u dhexeeyay 2004 illaa 2013. 

Isla xisaabtan la’aanta xoogeysatay ayaa muujinaysa in dhammaan 12-ka dal ee ku jira tusmada ay marar badan ka soo muuqday liiska tan iyo markii ay CPJ bilowday ururinta xogta sanadkii 2008, halka todobo kamid ah ay sanad kasta ku jireen liiskaasi. 

Mexico ayaa kaalinta lixaad uga jirta tusmada sanadkii labaad. Inkastoo ay maxkamadi shakhsiyaad ku heshay dilalka  Javier Valdez Cárdenas iyo Miroslava Breach Velducea ee sanadihii 2020 iyo 2021, ayaa haddana warbaahinta waxaa ku socda beegsi joogta ah. CPJ ayaa bilowgii sanadkan ilaa 31-kii Agoosto baaritaan ku ogaatay in ugu yaraan saddex weriye shaqadooda loogu dilay Mexico, iyadoo aanay jirin cid lagula xisaabtamay dilalkaas; afar weriye ayaa Mexico lagu dilay sanadkii 2020, tiradaas oo ahayd tan labaad ee caalamka ugu badan, waxaana ka badnaa Afghanistan oo keliya. 

Guud ahaan caalamka, ugu yaraan 22 weriye ayaa shaqadooda loo dilay sanadkii 2020, tiradaas oo laba-laab ka badan wadartii 2019. Sanadkan 2021, tirada dilalka ayaa ku dhaw tii sanadkii hore, balse xiisadda siyaasadeed ee Afghanistan iyo dalalka kale ayaa ka dhigaysa wadarta guud ee sanadkan mid ay adag tahay in la saadaaliyo. 

Bangladesh ayaa hal kaalin sare ugu soo kacday sanadkan, waxaana ay gashay 11-aad, maadaama bishii Febraayo la xukumay dad loo haystay dilalkii 2015 loo geystay qoraa calmaani ahaa, Avijit Roy iyo ninkii maqaallada u daabici jiray ee Faisal Arefin Dipan. Dhowr kamid ah ururka dalkaas mamnuuca ka ah ee Ansarul Islaam ayaa lagu helay inay ku lug lahaayeen dilalkaas, waxaana lagu xukumay toogasho. (CPJ ma taageersana xukunka dilka ah, waxaana ay ugu baaqday Bangladesh inay raggaas ku rido xukun “bani’aadannimo” leh marka ay racfaanka qaataan.)

Sanadkan 2021 ayaa waxaa sidoo kale horumar wanaagsan laga sameeyay laba kiis oo heer sare ah, oo ka dhacay dalal aan ku jirin tusmadan. Malta ayaa bishii Agoosto dacwad ku soo oogtay ganacsade Yorgen Fenech oo loo haysto inuu kaalin ku lahaa dilkii 2017 loo geystay weriyihii baaritaannada sameyn jirtay ee Daphne Caruana Galizia. Walaasheed Corrine Vella ayaa tallaabadaas ku tilmaantay “mid muhiim u ah cadaallad u helideeda.” Bishii Febraayo, mid kamid ah dadka loo heysto dilka Caruana Galizia ayaa qirtay inuu ku lug lahaa, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah. 

Maxkamadda u sarreysa Slovakia ayaa bishii June waxay laashay dembi ku waayidda laba eedeysane oo loo haysto dilkii 2018 loo geystay weriye baaritaan Ján Kuciak iyo gacalisadiisa, waxaana sidaa meesha uga baxay caqabad hortaallay cadaalad u helidda weriye sida Caruana Galizia oo kale loo dilay warbixinnada uu ka diyaariyay musuq-maasuqa ka dhex jira Midowga Yurub. 

Tusmada Caalamiga ah ee la xisaabtan la’aanta

Index rankCountryPopulation*Unsolved murders
1Somalia15.9 25
2Syria17.5 21
3Iraq40.2 18
4South Sudan11.2 5
5Afghanistan38.9 17
6Mexico128.9 27
7Philippines109.6 13
8Brazil212.6 14
9Pakistan220.9 12
10Russia144.1 6
11Bangladesh164.7 6
12India1,380.0 20
*In millions. Source: World Bank’s 2020 World Development Indicators

Habka Diyaarinta Tusmada 

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ ayaa xisaabisa tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan la xallin, iyadoo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaasi. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2011 illaa 31-kii Agoosto 2021 ee aan la xallin. Tusmadan waxaa lagu daray oo keliya dalalka ay ka jiraan kiisas gaaraya ama ka badan shan ee aan la xallin. CPJ ayaa dil u aqoonsan in si ula kac ah weriye nafta looga jaro shaqada uu hayo awgeed. Tusmadan kuma jiraan weriyayaasha lagu dilay furimaha dagaalka ama goobaha khatarta ah sida dibedbaxyada isu bedala rabshadaha. Kiisaska ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan la xallin, haddii aanay jirin cid ay maxkamad xukun ugu ridday, xitaa haddii la aqoonsaday la tuhunsanayaasha ayna xiran yihiin. Kiisaska qaar kamid ah la tuhunsanayaasha la xukumay ayaa lagu tilmaamaa in qeyb ahaan lala xisaabtamay. Sidoo kale, kiisaska dadka la tuhunsanayaasha ay ku dhintaan hawlgallada lagu soo qabanayo ayaa loo aqoonsaday kuwo qeyb ahaan lala xisaabtamay. Tusmada ayaa lagu xisaabay oo keliya dilalka aan sida buuxda loola xisaabtamin. Kama mid ah dilalka qeyb ahaan lala xisaabtamay. Xogta tirakoobka dadka ee Bangiga Adduunka uu 2020 ka diyaariyay Tilmaamayaasha Horumarka Caalamka oo la darsay Sebtembar 2021 ayaa loo isticmaalay xisaabinta heerka uu joogo dal kasta.