Sawirkan laga soo jaray muuqaal lagu baahiyay barta YouTube ee Pearl Project, ayaa waalidiinta weriyihii Wall Street Journal ee la dilay, Daniel Pearl, waxa ay ka codsanayaan shacabka Pakistan inay gacan ka siiyaan helitaanka cadaallad. Qoyska Pearl ayaa racfaan ka qaadanaya xukun ay 2-dii Abril 2020 Maxkamadda Sare ee gobolka Sindh gaartay, kaasoo xorriyadooda siin kara afar nin oo lagu helay in sanadkii 2002 ay afduubeen, kadibna dileen weriyahaasi.

La Xisaabtan La’aanta Kuwa Dila Weriyayaasha

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ 2020 ayaa diiradda lagu saaray dalalka weriyayaasha lagu dilo, kuwa dilana aan lala xisaabtamin

Elana Beiser/Agaasimaha Tifaftirka ee CPJ 
Waxaa la daabacay Oktobar 28, 2020

Horumarka laga sameeyay yareynta dilalka daafaha caalamka loogu geysto weriyayaasha ayaa ah mid aan cago badan ku taagneyn oo ay wax u dhimi karaan racfaanno dhanka sharciga ah iyo hogaan la’aan siyaasadeed, sida lagu ogaaday warbixintii ugu dambeysay ee CPJ ay ka diyaarisay la xisaabtan la’aanta ku aaddan dilalka aargoosiga ah ee loo geysto hawlwadeennada warbaahinta. 

Tusmada caalamiga ah ee sanadka kasta ay CPJ ka diyaariso la xisaabtan la’aanta, taasoo diiradda lagu saaro dalalka weriyayaasha lagula kaco dilalka, kuwa dilana aan lala xisaabtamin, ayaa muujinaysa in isbedal yar laga sameeyay heerkii sanadkii hore. Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Suudaanta Koonfureed ayaa sidaas ay u kala horeeyaan u kala galay afarta kaalin ee ugu hooseysa liiska, xilli dagaallo iyo xasillooni la’aan siyaasadeed ay sii hurinayaan colaadaha iyo sharci la’aanta ka taagan waddamadaasi. 

Hase yeeshee, tusmada waxaa sanad kasta ku jira dalal xasilloon, kuwaas oo burcad, ururo siyaasadeed, siyaasiyiin, ganacsato iyo shakhsiyaad kale oo awood leh ay doorbidaan in hab gacan ka hadal ah ay ku aamusiyaan weriyayaasha dhaliila ama dabagalka ku sameeya. CPJ ayaa ogaatay in musuq-maasuqa, hay’adaha dowliga ee tabarta daran iyo in aanu jirin rabitaan siyaasadeed oo lagu dardar gelinayo baaritaannada ay dhammaantood gacan ka geystaan isla xisaabtan la’aanta ka jirta dalalkaasi oo ay kamid yihiin Pakistan, Mexico iyo Philippines. 

Pakistan oo kale, arin la yaab leh oo dhanka sharciga ah – in kastoo aanay si toos ah u saameyn Tusmada La Xisaabtan La’aanta 2020 – ayaa muujisay in xitaa kiisaska dilka ee loo haystay in muddo hore xal laga gaaray dib loo soo celin karo. 

2-dii Abril, Maxkamadda Sare ee gobolka Sindh ee dalka Pakistan ayaa burisay dembi dil ah oo lagu helay afar nin oo ku eedeysnaa in sanadkii 2002 ay dileen weriyihii Wall Street Journal Daniel Pearl. Xukunka maxkamadda ayaa lagu sheegay in Axmed Cumar Saciid Sheekh oo markii hore lagu xukumay dil, uu galay dembi ah afduubidda Pearl, waxaana sidaa looga khafiifiyay xukunkii hore oo laga dhigay 7 sano oo xabsi ah, kaasoo uu xilligaasba gutay. Qoyska Pearl iyo maamulka gobolka Sindh ayaa racfaan ka qaatay xukunka maxkamadda, sida ay wararku sheegayaan, afarta nin waxay ay weli ku xirnaayeen jeelka dabayaaqadii Sebtembar. 

Sida uu Agaasimaha Fulinta ee CPJ, Joel Simon, ku qoray jariiradda Columbia Journalism Review, siideynta raggaasi “waxa ay dib u dhac xooggan ku tahay cadaallada, waxaana ay farriin halis ah u direysaa mintidiinta Jihaad-doonka ah ee Pakistan iyo caalamka oo dhan, kuwaas oo si joogta ah u bartilmaameedsanayay weriyayaasha tan iyo markii la dilay Pearl muddo 18 sano laga joogo.”

Pakistan iyo Philippines ayaa si joogta ah uga soo muuqanayay Tusmada Caalamiga ah ee Isla Xisaabtan La’aanta tan iyo markii la billaabay sanadkii 2008. Philippines ayaa tusmada sanadkan horumarka ugu weyn ka samaysay, oo waxa ay ka soo kacday kaalinta shanaad ee dalalka ugu hooseeya liiska, waxayna gashay kaalinta todobaad. 

Isbedalkaasi ayaa muujinaya in xasuuqii Nofembar 2009 ka dhacay Ampatuan, Maguindanao, ee lagu laayay 58 qof oo ay kamid yihiin 30 weriyayaal iyo laba hawlwadeen oo warbaahinta ah, uu hadda ka baxay mudada 10-ka sano ah ee lagu xisaabiyo tusmada. (Wax badan ka ogow habka loo diyaariyo tusmada).

Dembi ku heliddii caan-baxday ee dabayaaqadii sanadkii hore ayaa u horseeday CPJ inay ka bedasho xaaladda kiiska Ampatuan “isla xisaabtan la’aan buuxda” oo ay ka dhigto “isla xisaabtan la’aan qeyb ah” taasoo ka dhigan in kiiskaasi aan lagu xisaabi karin tusmada xitaa haddii loo eego waqtiga. 19-kii Disembar 2019, maxkamad heer gobol ah ayaa dembi ku heshay ninkii ka dambeeyay xasuuqaas, walaalkii iyo 26 qof oo kale oo gacan ku siiyay, waxaana ay ku xukuntay xabsi gaaraya illaa 40 sano. Philippines waxaa ka taagan 11 kiisas dilal ah oo aan xal laga gaarin kuwaas oo ku jira tusmadan 10-sano xisaabsan, marka loo barbardhigo tusmada sanadkii hore oo ahayd 41 kiisas dilal ah. 

Hase yeeshee, in kiiska Ampatuan maxkamad la geeyo ayaa qaadatay toban sano, iyadoo eedeysanayaasha ugu waaweyn oo kale ah Andal Ampatuan Jr. iyo Zaldy Ampatuan ay racfaan ka qaateen xukunka lagu riday. Hannaanka garsoorka Philippines oo ah mid wejiyo-badan isla markaana aanay siyaasadu ka marneyn ayaa sahli kara in loolankooda sharci uu qaato sanado dhowr ah, waxaana weli taagan suurtagalnimada ah in la sii daayo. Waxaa weli aan la soo qaaban tobanaan qof oo la tuhunsan yahay ayna kamid yihiin xubno ka tirsan qabiilka Ampatuan, arintaas oo horseedi karta in la beegsado dadka doonaya inay cadaallada helaan weriyayaasha la laayay. Dhanka kale, weli waxaa socda dilalka aan la iskula xisaabtamin. Ugu yaraan laba weriye oo Philippines u dhashay ayaa loo dilay shaqada ay hayeen sanadkan 2020 gudihiis. 

Xilli ay Philippines hoos uga dhacday liiska, ayaa Mexico oo ah dalalka ku yaal cirifka Galbeed kan khatarta ugu badan ay ku wajahaan weriyayaasha ayaa waxa uu galay kaalinta lixaad ee tusmada, iyadoo uu sanadkii hore ku jiray kaalinta todobaad. Tirada kiisaska dilalka aan la xallin ee Mexico ayaa ah 26 tusmadan 10-sano xisaabsan marka loo barbardhigo tusmadii hore oo ahayd 30 kiisas dilal ah.

Sanadkii la soo dhaafay, dowladda Mexico ayaa dembiyo ku heshay qaar kamid ah dadka loo haysto dilalka Miroslava Breach Velducea iyo Javier Valdez Cárdenas, oo ku guulaystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda ee ay bixiso CPJ. Hase yeeshee dadka soo maleegay dilalkaasi ayaan weli gacanta lagu dhigin. Dacwad oogaha gaarka ah ee heer federal oo ah xafiiska qeyb ahaan gacanta ka geystay horumarka laga sameeyay kiisaska Breach iyo Valdez ayaa ka gaabsaday inuu kiisas cusub qabto tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Andrés Manuel López Obrador, taasoo mugdi gelisay cadaallad u helida weriyayaashaasi iyo kuwo kale. Tan iyo bilowgii 2020, ugu yaraan afar weriye ayaa Mexico loogu dilay shaqadooda awgeed. 

Guud ahaan caalamka, tirada sanadlaha ah ee weriyayaasha loo dilay shaqada ay hayaan ayaa ugu hooseysay sanadkii 2019 tan iyo markii ay CPJ bilowday diiwaangelinta kiisaskaasi sanadkii 1992. Waa ay adagtahay in farta lagu fiiqo sababaha dhabta ah, maadaama ay suuragal tahay in hoos u dhacaasi ay gacan ka geysteen faafreebka ay iskood u sameeyaan weriyayaasha, qaababka kale ee lagu handado suxufiyiinta iyo heerka sarreeya ee qaar kamid ah kiisaska dhawaan dhacay. 

Tirada dilalka dhacay 2020 ayaa xilligan ka sarreeya kuwii dhacay 2019, balse ma muuqata inay aad uga badan doonaan. Dhanka kale, dhowr kiis oo horumar laga sameeyay dhanka sharciga ayaan u muuqan kuwo soo afjari kara rabshadaha iyo cadaallada darrada ka dhanka ah weriyayaasha. 

7-dii Sebtembar, Maxkamadda Racfaanka ee Belgrade ayaa shaacisay inay burisay dembi lagu helay afar qof oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Serbia, kuwaasoo ku lug lahaa dilkii 1999 loo geystay weriye Slavko Ćuruvija. Dacwadda kiiskaasi ayaa lagu wadaa in dib loo dhegaysto sida ay ku warrantay warbaahinta. Hay’adda CPJ ayaa horay ugu tilmaantay baaritaanka ku aaddan dilkii Ćuruvija – oo ay hogaaminayeen guddi wadajir ah oo ka kooban weriyayaal iyo saraakiil dowladda ah – mid tusaale u ah la dagaallanka isla xisaabtan la’aanta iyadoo ka duulaysa hufnaanta baaritaanka, isku dhafka kooxda baaritaanka iyo u heelanaanta in la dabagalo xogaha cusub. 

Dalka Slovakia-na, maxkamad ayaa 3-dii Sebtembar dembi ku weyday maalqabeen ganacsade ah oo la tuhunsanaa inuu maleegay dilkii 2018 loo geystay weriyihii dabagalka sameyn jiray ee Ján Kuciak iyo gacalisadiisa. Qoyska Kuciak ayaa wacad ku maray inay racfaan ka qaaday doonaan xukunkaasi, sida ay ku warrantay warbaahinta. Kuciak ayaa kamid ahaa laba weriye oo la dilay lix bilood gudahood kuwaas oo ka warramayay musuq-maasuq ka dhex jira Midowga Yurub. Weriyaha kale ayaa ahayd Daphne Caruana Galizia oo 2017 lagu dilay Malta, balse aan cidna loo xukumin dilkeeda.

Inta ay socotay tusmada 10-sano ee ku ekayd 31-kii Agoosto 2020, guud ahaan caalamka waxaa lagu dilay 277 weriye oo shaqadooda loo dilay, iyadoo kuwii ka dambeeyay 83% kiisaskaasi dilka ah aan si sax ah loo maxkamadeyn. Tusmada sanadkii hore, CPJ ayaa diiwaangelisay isla xisaabtaan la’aan buuxda oo ah 86% kiisaska dilka weriyayaasha ah. Heerka isla xisaabtan la’aanta buuxda ayaa xoogaa hoos u dhacay sanadihii la soo dhaafay. Warbixinta “Dhabaha Helitaanka Cadaallada,”oo ay hay’adda CPJ sanadkii 2014 uga hadashay waxa sababa la xisaabtan la’aanta dilalka weriyayaasha iyo xalka macquulka ah, ayaa waxa ay ku ogaatay in kuwa dila weriyayaasha boqolkiiba 90 aan gacanta lagu soo dhigin sanadihii u dhexeeyay 2004 illaa 2013. 

12-ka dal ee ku qoran tusmada ayaa waxaa ka dhacay 80% dilalka weriyayaasha ee aan xalka loo helin caalamka oo dhan ee lagu xusay tusmada 10-sano. Dhammaan 12-ka dal ayaa marar badan ka soo muuqday tusmada tan iyo markii ay CPJ bilowday sanadkii 2008, halka todobo kamid ah ay sanad kasta ku jireen liiskaasi. 

Nigeria ayaa ah dalka keliya ee sanadkan ka baxay tusmada. Hal dil oo weriye dalkaasi loogu geystay 2009 ayaan lagu darin kiisaska diiradda la saaray ee tobankii sano ee u dambeeyay dhacay. 

Tusmada

Kaalinta TusmadaDalkaTirada dadka (milyan)*Dilalka aan la xallin
1Soomaaliya15.426
2Suuriya17.1 22
3Ciraaq39.321
4Suudaanta Koonfureed11.15
5Afghanistan3813
6Mexico127.626
7Philippines108.111
8Brazil21115
9Pakistan216.615
10Bangladesh1637
11Ruuushka144.46
12Hindiya1366.417

Habka Diyaarinta Tusmada

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ee CPJ ayaa xisaabisa tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan xal loo hellin, iyadoo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaasi. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2010 illaa 31-kii Agoosto 2020 ee aan la xallin. Tusmadan waxaa lagu daray oo keliya dalalka ay ka jiraan kiisas gaaraya ama ka badan shan ee aan la xallin. CPJ ayaa dil u aqoonsan in si ula kac ah weriye nafta looga jaro shaqada uu hayo awgeed. Tusmadan kuma jiraan weriyayaasha lagu dilay furimaha dagaalka ama goobaha khatarta ah sida dibedbaxyada isu bedala rabshadaha. Kiisaska ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan la xallin, haddii aanay jirin cid ay maxkamad xukun ugu ridday, xitaa haddii la aqoonsaday la tuhunsanayaasha ayna xiran yihiin. Kiisaska qaar kamid ah la tuhunsanayaasha la xukumay ayaa lagu tilmaamaa in qeyb ahaan lala xisaabtamay. Sidoo kale, kiisaska dadka la tuhunsanayaasha ay ku dhintaan hawlgallada lagu soo qabanayo ayaa loo aqoonsaday kuwo qeyb ahaan lala xisaabtamay. Tusmada ayaa lagu xisaabiyay oo keliya dilalka aan sida buuxda loola xisaabtamin. Kama mid ah dilalka qeyb ahaan lala xisaabtamay. Xogta tirakoobka dadka ee Bangiga Adduunka uu 2019 ka diyaariyay Tilmaamayaasha Horumarka Caalamka oo la darsay Sebtembar 2020 ayaa loo isticmaalay xisaabinta heerka uu joogo dal kasta.