Qalabka Badqabka Dijitaalka

Artwork: Jack Forbes

Artwork: Jack Forbes

 Waxaa markii u dambeysay dib u eegis lagu sameeyay 26-kii April, 2021

Weriyayaasha waxaa looga baahan yahay inay difaacaan naftooda iyo dadka ay xogta ka helaan iyagoo la soconaya wararka u dambeeyay ee ammaanka dijitaalka iyo khatarta dhanka jabsashada xogta, farriimaha kuwa wax jabsada iyo dabagalka. Waa in weriyayaasha ay ka fekeraan macluumaadka ay mas’uulka ka yihiin iyo waxa ku dhici kara haddii ay galaan gacmo khaldan, iyo inay qaadaan tallaabooyin ay ku difaacayaan cinwaanadooda, qalabkooda, xiriirka ay dadka la sameeyaan iyo hawlaha ay ka qabtaan internet-ka.

Tusmada

Ilaalinta Cinwaanadaada

Si aad u ilaaliso cinwaanadaada:

Weriyayaasha waxa ay isticmaalaan cinwaano online ah oo kala duwan, kuwaas oo ay ugu jiraan macluumaad u gaar ah iyo xogta shaqadooda, saaxiibadood, qoysaskooda iyo tan dadka ay wararka ka helaan. Sugida ammaanka cinwaanadaas iyo in si joogta ah xogta meel kale loogu kediyo, isla markaana xogta qaar laga saaro cinwaanada ayaa waxa ay gacan ka geysanayaan ilaalinta xogta. Ka feker xogta ku keydsan cinwaan kasta, iyo cawaaqibka ay ku reebi karto naftaada, qoyskaaga iyo dadka xogta ku siiya haddii la jabsado cinwaankaas.

Farriimaha Jabsashada

Weriyayaashu waxa ay inta badan leeyihiin astaan muuqata, waxaana ay dadka la wadaagaan qaabka lagula xiriiro karo si ay xog uga helaan. Dadka doonaya inay jabsadaan xogta weriyayaasha ama qalabkooda ayaa si toos ah iyaga u beegsan kara– ama u mari kara saaxiibadood iyo xubnaha qoyskooda – iyagoo adeegsanaya farriimaha jabsashada, sida email, farriin gaaban, baraha bulshada ama wada sheekeysi looga gol leeyahay in lagu khiyaano qofka si looga helo macluumaad xasaasi ah ama qalabkiisa loogu shubo fayras kadib marka uu qofkaas gujiyo link ama uu la soo dego fayl. Waxaa jira fayrasyo badan iyo barnaamijyo sirdoon, oo kuwa ugu horumarsan ay dadka jabsashada ku hawlan gebi ahaanba kula wareegi karaan xogta ku jirta qalabka.

Si aad isaga difaacdo weerarrada farriimaha jabshada:

Badqabka Qalabka

Weriyayaashu waxa ay isticmaalaan qalab kala duwan si ay u soo saaraan ama u keydiyaan warbixinnadooda ama ay ula xiriiraan dadka ay xogta ka helaan. Inta badan weriyayaasha, gaar ahaan kuwa madaxa bannaan waxa ay shaqada iyo arimaha gaarka ahba u adeegsadaan qalab isku mid ah, arintaas oo khatar gelin karta macluumaad ballaaran, waa haddii uu qalabkaas lumo, la xado ama laga qaato. Ku xir lambar sir ah kombiyuutarkaaga qeybtiisa hard drives-ka, telefoonkaaga gacanta, tablet-kaaga iyo qalabka kale ee aad wax ku keydsato, gaar ahaan marka aad safrayso, si dadka kale aanay u helin xogtaada maadaama qalabkaaga uu lambar sir ah kuu leeyahay.

Si aad u ilaaliso ammaanka qalabkaaga:

Si aad u xirto xogta qalabkaaga::

Isgaarsiinta Qarsoon

Weriyayaashu waxa ay si badqabta ula xiriiri karaan dadka ay xogta ka helaan iyagoo adeegsanaya apps-ka farriimaha la isugu diro oo ammaan ah ama barnaamijyo ammaan ka dhiga emailada si farriimaha ay u helaan dadka loogu talagalay oo keliya. Waxaa jiro qalab si fudud loo adeegsan karo. Hannaanka Encryption-ka waxa uu ilaaliyaa xogta farriinta, balse shirkadda leh barnaamijka ayaa weli arki karta macluumaadka, sida goorta aad dirtay farriinta, cidda heshay iyo xogo kale oo muhiim ah. Shirkadaha ayaa leh siyaasado kala duwan oo ku aaddan keydinta xogta, iyo qaabka ay uga falcelinayaan marka ay dowladaha weydiistaan.

Apps-ka farriimaha ee la bogaadiyay isticmaalkooda ayaa waxa ay leeyihiin hannaan loo yaqaan end-to-end encryption, kaas oo micnihiisu yahay in farriintu tahay mid xiran marka uu qofka dirayo iyo marka uu helayo qofka loo diray. Waa in labada qofba ay cinwaan ku leeyihiin app-kaas. Qof kasta oo haysta qalab diri kara ama heli kara farriinta ama haysta lambarka sirta ah ee cinwaanka ku xiran app-ka ayaa weli heli kara xogta farriinta. Apps-ka noocan ah ee uu ku diyaarsan yahay encryption-ka waxaa kamid ah Signal iyo WhatsApp.

Emailada leh barnaamijyada encryption-ka ayaa sidoo kale ah qaab wanaagsan ee xogta lagula wadaagi karo ilo-wareedyada. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay la soo degaan barnaamij gaar ah si ay isugu diraan macluumaadka aan la jabsan karin.

Si aad u isticmaasho apps-ka farriimaha ammaanka ah:

Si aad u isticmaasho emailada ammaanka ah:

Tusaalayaasha barnaamijyada email encryption ayaa waxaa kamid ah: GPG Suite oo loo isticmaalo Mac, GPG4win oo loo isticmaalo Windows iyo Linux, Thunderbird iyo Mailvelope.

Isticmaalka Internet Ammaan ah

Weriyayaashu waxa ay ku tiirsan yihiin internet-ka, balse intooda badan ma doonayaan inay hawlahooda online-ka ay la wadaagaan shirkadaha bixiya adeega internet-ka, goobaha internet-ka bulshada ama huteellada leh WiFi-ga bilaashka ah. Dembiilayaasha iyo weliba cadow diyaarsan ayaa xadi kara macluumaadka ama dabagal ku sameyn kara weriyayaasha adeegsada baraha aan ammaanka ahayn ama WiFi-ga dadka ka wada dhexeeya.

Si aad u isticmaasho internet ammaan ah:

Ka Tallaabida Xuduudaha

Weriyayaal badan ayaa ka tallaaba xuduudaha iyagoo sita macluumaad ku saabsan shaqadooda iyo mid gaar ah, oo aanay dooneyn in cid kale ay hesho. Haddii ilaalada xuduudaha ay kaa qaataan qalabkaaga oo ay la tagaan meel aadan arki karin, waxa ay fursad u helayaan inay baaraan, cinwaanadaada furaan, min-guuriyaan xogtaada ama ay qalabka ku shubaan barnaamij ku basaasi kara. Weriyayaasha ka tallaabaya xuduudaha Maraykanka waxa ay daalacan karaan qoraalka badqabka ay diyaarisay hay’adda CPJ ee cinwaankiisu yahay, “Waxba Ma Wato.”

Ka hor inta aadan safrin:

Marka aad joogto xuduuda:

Fiiro Gaar ah: Talooyinkan waxaa markii ugu horreysay la daabacay 30-kii July 2019. Waxaa dib u eegis lagu sameeyay taariikhda daabacaada ee kor ku xusan.

Exit mobile version