Artwork: Jack Forbes
Artwork: Jack Forbes

Qalabka Badqabka Dijitaalka

 Waxaa markii u dambeysay dib u eegis lagu sameeyay 26-kii April, 2021

Weriyayaasha waxaa looga baahan yahay inay difaacaan naftooda iyo dadka ay xogta ka helaan iyagoo la soconaya wararka u dambeeyay ee ammaanka dijitaalka iyo khatarta dhanka jabsashada xogta, farriimaha kuwa wax jabsada iyo dabagalka. Waa in weriyayaasha ay ka fekeraan macluumaadka ay mas’uulka ka yihiin iyo waxa ku dhici kara haddii ay galaan gacmo khaldan, iyo inay qaadaan tallaabooyin ay ku difaacayaan cinwaanadooda, qalabkooda, xiriirka ay dadka la sameeyaan iyo hawlaha ay ka qabtaan internet-ka.

Tusmada

  • Ilaali Cinwaanadaada
  • Farriimaha Jabsashada
  • Badqabka Qalabka
  • Isgaarsiinta Qarsoon
  • Isticmaalka Internet Ammaan ah
  • Ka Tallaabidda Xuduudaha

Ilaalinta Cinwaanadaada

Si aad u ilaaliso cinwaanadaada:

Weriyayaasha waxa ay isticmaalaan cinwaano online ah oo kala duwan, kuwaas oo ay ugu jiraan macluumaad u gaar ah iyo xogta shaqadooda, saaxiibadood, qoysaskooda iyo tan dadka ay wararka ka helaan. Sugida ammaanka cinwaanadaas iyo in si joogta ah xogta meel kale loogu kediyo, isla markaana xogta qaar laga saaro cinwaanada ayaa waxa ay gacan ka geysanayaan ilaalinta xogta. Ka feker xogta ku keydsan cinwaan kasta, iyo cawaaqibka ay ku reebi karto naftaada, qoyskaaga iyo dadka xogta ku siiya haddii la jabsado cinwaankaas.

  • Kala sooc noolashaada gaarka ah iyo shaqadaada marka aad online-ka tahay, hana isku darin xogta cinwaanadaada gaarka ah iyo kuwa shaqada. Tani waxay yareyn kartaa xogta lagaa helo haddii cinwaanada midkood la jabsado. 
  • Dib u eegis ku samee hannaanka qarsoonaanta, adigoo fahmaya xogta ay cid kasta arki karto, gaar ahaan tan baraha bulshada.
  • Meel kale ku keydi xogta xasaasiga ah ee aadan rabin in la shaaciyo, sida farriimaha khaaska ah iyo email-lada, kadibna ka tir cinwaankaaga ama qalabka. Waxaa jira qalab gacan saddexaad ah oo kaa caawin kara in aad qarsato xogta dukumiintiyada oo aad ku keydiso qalab gooni ah ama hannaanka cloud. Waxaa sidoo kale wanaagsan in la encrypt-gareeyo qalabka hard drives-ka goonida ah. Iska hubi sharciga khuseeya encryption-ka ee halka aan ku sugan tahay.
  • Hawada ka saar cinwaan kasta oo aadan u baahneyn. Min-guuri xogta aad dooneyso in aad kala harto cinwaankaas.
  • Cinwaan kasta u samee lambar sir ah oo dheer, kana badan 15 xaraf. Dib ha u isticmaalin lambar sir hore. Isticmaal tiknoolajiyadda password manager si aad u maareyso lambaradaada sirta ah.
  • Isticmaal hannaanka hubinta labada jeer. Sida wanaagsan waxa ay tahay in aad adeegsato app-ka hubinta labada jeer haddii koodh laguugu soo diri lahaa farriinta gaaban.
  • Haddii aad khatar ugu jirto in lagu xiro ama aad ka cabsi qabto in oggolaansho la’aan lagaa isticmaalo qalabkaaga, xir cinwaanadaada kadib marka kasta oo aad isticmaasho, isla markaana masax xogta website-yada aad booqatay.
  • Si joogta ah u eeg qeybta ‘account activity’ ee dhammaan cinwaanadaada. Waxaad ka ogaan kartaa haddii laga galay qalab aadan aqoonsan.
  • Iska ilaali in aad cinwaanadaada ka gasho kombiyuutarada dadka ka dhexeeya, sida kuwa goobaha internet-ka. Haddii aadan ka fursan karin, xir cinwaanadaada kadib marka kasta oo aad isticmaasho, isla markaana masax xogta website-yada aad booqatay.

Farriimaha Jabsashada

Weriyayaashu waxa ay inta badan leeyihiin astaan muuqata, waxaana ay dadka la wadaagaan qaabka lagula xiriiro karo si ay xog uga helaan. Dadka doonaya inay jabsadaan xogta weriyayaasha ama qalabkooda ayaa si toos ah iyaga u beegsan kara– ama u mari kara saaxiibadood iyo xubnaha qoyskooda – iyagoo adeegsanaya farriimaha jabsashada, sida email, farriin gaaban, baraha bulshada ama wada sheekeysi looga gol leeyahay in lagu khiyaano qofka si looga helo macluumaad xasaasi ah ama qalabkiisa loogu shubo fayras kadib marka uu qofkaas gujiyo link ama uu la soo dego fayl. Waxaa jira fayrasyo badan iyo barnaamijyo sirdoon, oo kuwa ugu horumarsan ay dadka jabsashada ku hawlan gebi ahaanba kula wareegi karaan xogta ku jirta qalabka.

Si aad isaga difaacdo weerarrada farriimaha jabshada:

  • Baaritaan ku samee awoodda tiknoolajiyadeed ee cadowgaada, si aad u garato khatarta kaaga iman karta iyo suuragalnimada ah in lagu beegsan karo adiga ama qof aad taqaano.
  • Ka digtoonow farriimaha ku faraya in aad qaado tallaabo degdeg ah ama kuu ballanqaadaya waxyaabo aan suuragal ahayn, gaar ahaan haddii farriinta ay kuu sheegayso in aad ku dhufato link ama aad soo dejisato lifaaq.
  • Si taxadar leh u hubi cinwaanka qofka farriinta kuu soo diray iyo xogta farriinta si aad u ogaato in ay sax yihiin. Isbedal yar oo lagu sameeyay xarfaha, naxwaha, qaabka ama hab qoraalka ayaa muujin kara in lagu khiyaanayo.
  • Ka xaqiiji farriinta cidda soo dirtay adiga oo adeegsanaya qaab kale, sida wicitaanka telefoonka, waa haddii aad ka shakido xogta farriinta ama ay noqoto lama filaan.
  • Si taxadar leh u feker ka hor inta aadan ku dhufan link-ga, xitaa haddii farriinta ay u muuqato mid uu kuu soo diray qof aad taqaano. Fallaarta ku kor qabo link-ga si aad u eego in cinwaanku yahay mid sax ah.
  • Iska eeg lifaaq kasta ee lagu soo diro email. Haddii aadan dejin lifaaqa, waa laga hortagi karaa fayras kasta oo uu wato. Haddii aad ka shakido, wac qofka soo diray, kana codso in xogta lifaaqa uu kuugu soo diro email ama sawiro dukumiintiga adiga oo ka dhigaya qaabka preview halkii aad kala degi lahayd.
  • Be cautious of links or documents sent via group chat. Ka taxadar link-yada ama dukumiintiyada lagu soo diro wada sheekaysiga dadka badan u dhexeeya (group chat). Waxaa halkaa ku soo dhex dhuuman kara dowladda ama burcad doonaysa inay beegsato ka qeybgalayaasha.
  • Haddii ay suuragal tahay adeegso nooca desktop-ka ee apps-ka marka aad qiimeynta ku sameynayso farriimaha iyo link-yada. Shaashadaha waaweyn waxa ay kaa caawin karaan in aad hubiso waxa laguu soo diray, waxaana adag in aad shaqooyin badan isku dul qabato. 
  • Geli link-yada iyo dukumintiyada aad ka shakido Virus Total oo ah adeeg baari kara fayraska, inkastoo uu sheegayo fayrasyada la yaqaano oo keliya.
  • Ka dhig qalabkaaga mid si otomaatik ah isu cusbooneysiiya, isla markaana cusbooneysii dhammaan barnaamijyada ku jira qalabkaaga. Waxaa sidaas uu qalabkaaga uga hortegi karaa dulduleelada uu ka soo geli karo fayraska.
  • Si gaar ah isaga jir farriimaha jabsashada ee xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka, rabshadaha ama haddii qof aad shaqo wadaag tihiin ama ururada maxalliga ah ee bulshada rayidka ah ay sheegaan in la beegdasay.

Badqabka Qalabka

Weriyayaashu waxa ay isticmaalaan qalab kala duwan si ay u soo saaraan ama u keydiyaan warbixinnadooda ama ay ula xiriiraan dadka ay xogta ka helaan. Inta badan weriyayaasha, gaar ahaan kuwa madaxa bannaan waxa ay shaqada iyo arimaha gaarka ahba u adeegsadaan qalab isku mid ah, arintaas oo khatar gelin karta macluumaad ballaaran, waa haddii uu qalabkaas lumo, la xado ama laga qaato. Ku xir lambar sir ah kombiyuutarkaaga qeybtiisa hard drives-ka, telefoonkaaga gacanta, tablet-kaaga iyo qalabka kale ee aad wax ku keydsato, gaar ahaan marka aad safrayso, si dadka kale aanay u helin xogtaada maadaama qalabkaaga uu lambar sir ah kuu leeyahay.

Si aad u ilaaliso ammaanka qalabkaaga:

  • Ku xir qalabkaaga lambar sir ah, koodh ama PIN. Lambarada sirta ah ee dheer ayay adag tahay in la furo.
  • Update your operating system, apps and browsers when prompted. Cusbooneysii barnaamijka uu ku shaqeeyo qalabkaaga si uu uga difaaco fayrasyada cusub. Software-da qadiimiga ah waxa ay leeyihiin dal-daloolo laga faa’iideysan karo oo fayras loogu gudbin karo qalabkaaga. Tani ayaa muhiim ah haddii aad ka cabsi qabto in lagugu beegsado fayrasyada heerkoodu sarreeyo.
  • Audit Qiimeyn ku samee xogta ku keydsan qalabka, kana feker dhibaatada ay u keeni karto adiga iyo dadka kale.
  • Meel kale ku keydiye xogta ku jirta qalabkaaga si aad u hesho haddii uu jabo, lumo ama la xado. Ku keydi xogtaas meel ammaan ah oo ka fog goobtaada shaqada.
  • Si joogta ah u masax xogta xasaasiga ah, gaar ahaan farriimaha wada sheekaysiga. Si aad uga gaashaamato in dib loo soo celiyo xogta aad tirtay, adeegyo barnaamijyada masaxidda ammaanka ah, waa haddii aad heli karto; haddii kale foomat garee qalabkaaga si aad meesha uga saarto xogtii hore. (Meel kale ku keydi xogta aad u baahan tahay ka hor inta aadan foomat gareyn qalabka, si aysan kaaga lumin.)
  • Ha uga tegin qalabkaaga goobaha ay dadka ku badan yihiin, gaar ahaan marka aad dabeyneyso, maadaama la xadi karo ama wax laga bedali karo.
  • Ha gelin qalabkaaga jaajarada ay dadka wadaagaan ama falaash-yada sida bilaashka ah lagu bixiyo. Waxaa suuragal ah inay wataan fayras saameyn kara kombiyuutarkaaga.
  • Ka taxadar in qalabkaaga uu xogta ku keydiyo cinwaanka cloud ee ku xiran telefoonkaaga. Waxaa dhici karta in xogta lagu keydiyo cloud aysan ammaan ahayn. Waxaad iska xiri kartaa keydinta otomaatiga ah.
  • Ka dhig qalabkaaga mid haddii la xado aad xogtiisa ka masaxi karto meel fog. Waa in aad barnaamijkaas marka hore soo dejisato, qalabkuna yahay mid internet leh si uu u masaxo xogta.
  • Markasta qalabkaaga ka samayso farsamo-yaqaan lagu kalsoonaan karo.

Si aad u xirto xogta qalabkaaga::

  • Telefoonnada casriga ah waxa ay leeyihiin hannaan loo yaqaan encryption, waxaad u baahan tahay inaad ka daarto qeybta settings-ka.
  • Isticmaal barnaamijka Bitlocker si aad gebi ahaanba u xirato kombiyuuratkaaga haddii uu adeegsado Window, ama Firevault haddii aad haysato Mac ama barnaamijka bilaashka ah ee Veracrypt si aad u xirato qalabka wax lagu keydiyo sida falaashka.
  • Waxaa xirashada xogta muhiim u ah in aad isticmasho lambar sir ah oo dheer, gaarna kuu ah. Telefoonnada casriga ah waxa ay leeyihiin qaab aad ku adkeyn karto lambarka sirta ah.
  • Maanka ku hay in haddii cadowgaaga uu yaqaano lambarkaaga sirta ah ama kugu qasbi kara in aad furto qalabkaaga, uu markaa heli karo xogta ku keydsan qalabkaaga.
  • Markasta hubi waxa uu sharciga dalka aad joogto ama u socoto ka qabo in la xirto qalabka.

Isgaarsiinta Qarsoon

Weriyayaashu waxa ay si badqabta ula xiriiri karaan dadka ay xogta ka helaan iyagoo adeegsanaya apps-ka farriimaha la isugu diro oo ammaan ah ama barnaamijyo ammaan ka dhiga emailada si farriimaha ay u helaan dadka loogu talagalay oo keliya. Waxaa jiro qalab si fudud loo adeegsan karo. Hannaanka Encryption-ka waxa uu ilaaliyaa xogta farriinta, balse shirkadda leh barnaamijka ayaa weli arki karta macluumaadka, sida goorta aad dirtay farriinta, cidda heshay iyo xogo kale oo muhiim ah. Shirkadaha ayaa leh siyaasado kala duwan oo ku aaddan keydinta xogta, iyo qaabka ay uga falcelinayaan marka ay dowladaha weydiistaan.

Apps-ka farriimaha ee la bogaadiyay isticmaalkooda ayaa waxa ay leeyihiin hannaan loo yaqaan end-to-end encryption, kaas oo micnihiisu yahay in farriintu tahay mid xiran marka uu qofka dirayo iyo marka uu helayo qofka loo diray. Waa in labada qofba ay cinwaan ku leeyihiin app-kaas. Qof kasta oo haysta qalab diri kara ama heli kara farriinta ama haysta lambarka sirta ah ee cinwaanka ku xiran app-ka ayaa weli heli kara xogta farriinta. Apps-ka noocan ah ee uu ku diyaarsan yahay encryption-ka waxaa kamid ah Signal iyo WhatsApp.

Emailada leh barnaamijyada encryption-ka ayaa sidoo kale ah qaab wanaagsan ee xogta lagula wadaagi karo ilo-wareedyada. Labada dhinacba waxaa looga baahan yahay inay la soo degaan barnaamij gaar ah si ay isugu diraan macluumaadka aan la jabsan karin.

Si aad u isticmaasho apps-ka farriimaha ammaanka ah:

  • Baar cidda leh app-ka, xogta macaamiisha ee ay keydiyaan iyo in dowladda ay dalbatay helitaanka xogtaas. Ogow siyaasaddooda ku aaddan codsiga ah inay cid kale la wadaagaan xogta macmiilka.
  • App-ka ku xir pin ama lambar sir ah haddii ay suuragal tahay, si haddii telefoonka lagaaga xado aad uga gaashaamato in qof kale uu furo.
  • Ogow halka ay telefoonkaaga uga keydsamaan macluumaadka laguugu soo diro app-ka, sida sawirrada iyo dukumiintiya.
  • Wax kasta oo aad soo dejisato, sida sawirrada, waxa ay ku keydsamaan qalabkaaga, waxaana ay u gudbi karaan qalab ama app kale, gaar ahaan marka aad meel kale ku keydiso xogtaada.
  • Adeegyada qaar, sida WhatsApp, ayaa farriimahaaga ku keydiyo cinwaan cloud ah oo ku xiran lambarkaaga telefoonka.
  • Lambarada kuugu keydsan telefoonkaaga waxa ay sidoo kale ku jiraan apps-ka farriimaha iyo cinwaanka cloud-ka, marka haddii aad lambar meel ka tirto waxa uu ku hari karaa meel kale.
  • Meel kale ku keydi, oo si joogta ah u tir farriimaha si kuwo aad u kooban ay kuugu haraan halkii qalab ama cinwaankiiba. Samee hannaan aad dib u eegis ku sameyneyso macluumaadka, sida dukumiintiyada iyo farriimaha multimedia ah, isla markaana ku keydi waxyaabaha aad la soo degto iyo sawirrada aad qaado meel gaar ah.
  • Hannaanka farriimaha tirmaya ee apps-ka Signal iyo WhatsApp ayaa kuu sahlaya in farriimaha aad si otomaatik ah u masaxdo muddo kadib. Daaro farriimaha tirmaya haddii aad ka walaacsan tahay in telefoonka lagaa qaato iyo in lagaa jabsado farriimahaaga.
  • Signal iyo WhatsApp waxa ay sidoo kale leeyihiin wicitaan maqal iyo muuqaal ah oo aan la jabsan karin (encryption leh).

Si aad u isticmaasho emailada ammaanka ah:

  • Caawinaad ka raadso qof aad ku kalsoon tahay oo ku wanaagsan tiknoolajiyadda. Marka aad ku cusub tahay ma aha arin sahlan in aad si fudud u samaysato email encryption leh ama ammaan ah.
  • Dooro barnaamij email encryption ah oo sumcad leh, horayna loo tijaabiyay. Markasta cusbooneysii barnaamijka si aad uga gaashaamato dulduleelada ammaan.
  • Waqti geli in aad yeelato lambar sir ah oo dheer, gaarna kuu ah kaas oo aad ku isticmaasho barnaamijka email encryption-ka. Haddii aad hilmaamto lambarkaas sirta ah, waxaad weyneysaa emailkaas ammaanka ah.
  • Si joogta ah u dir email encryption leh si aadan u hilmaamin isticmaalka barnaamijkaas.
  • Waxaan qarsooneyn macluumaad kamid ah email-ka, sida cinwaannada qofka diraya iyo kan helaya iyo ujeedada farriinta.

Tusaalayaasha barnaamijyada email encryption ayaa waxaa kamid ah: GPG Suite oo loo isticmaalo Mac, GPG4win oo loo isticmaalo Windows iyo Linux, Thunderbird iyo Mailvelope.

Isticmaalka Internet Ammaan ah

Weriyayaashu waxa ay ku tiirsan yihiin internet-ka, balse intooda badan ma doonayaan inay hawlahooda online-ka ay la wadaagaan shirkadaha bixiya adeega internet-ka, goobaha internet-ka bulshada ama huteellada leh WiFi-ga bilaashka ah. Dembiilayaasha iyo weliba cadow diyaarsan ayaa xadi kara macluumaadka ama dabagal ku sameyn kara weriyayaasha adeegsada baraha aan ammaanka ahayn ama WiFi-ga dadka ka wada dhexeeya.

Si aad u isticmaasho internet ammaan ah:

  • Eeg in barta internet-ka ay ku leedahay astaanta https iyo quful bilowga cinwaan kasta oo URL leh sida (https://cpj.org), taas oo muujinaysa in xogta idiin dhexaysa adiga iyo barta ay tahay mid ammaan ah. Hubi in website-yada aad booqato ay yihiin kuwo ammaan ah adigoo adeegsanaya habka HTTPS Everywhere ee ay leedahay hay’adda Electronic Frontier Foundation.
  • Xaqiiji in cinwaanka barta uu yahay mid sax ah, oo aan lagugu khaldin. Waa in URL-ku yahay mid si sax ah u qoran oo wata https.
  • Soo dejiso barnaamijka ka hortagga xayeysiinta ee ad-blocker si aad uga gaashaamato fayraska, kaasoo inta badan ku dhuunta xayeysiinnada soo booda. Barnaamijka ayaa sidoo kale kuu ogolaanaya in aad website-yada qaar ka ilaaliso in la xannibo.
  • Soo dejiso barnaamijka Privacy Badger si aad uga hortagto in website-yada iyo kuwa wax xayeysiiya ay ogaadaan baraha internet-ka ee aad booqato.
  • Iska xir Bluetooth iyo apps-ka kale ee dukumiintiyada lagu wadaago haddii aadan markaa isticmaaleyn.
  • Isticmaal VPN si aad si wanaagsan ugu ilaashato xogtaada marka aad internet-ka isticmaalayso ama aad ku jirto WiFi dadka ka dhexeeya.
  • Iska ilaali isticmaalka kombiyuutarada dadka ka dhexeeya, gaar ahaan kuwa yaalla goobaha internet-ka ama qolalka warfidiyeennada loo diyaariyay. Haddii aadan ka maarmi karin, marka aad dhamaysato howshaada hubi inaad ka baxday cinwaanada oo dhan isla markaana masaxday baraha aad booqatay.
  • Ka feker in aad la soo degto barnaamijka bilaashka ah Tor Browser Bundle si aad internet u adeegsato adiga oo aan lagu aqoonsan ama barnaamijka kale ee Tails kaasoo dhammaan hawlahaaga online-ka ku wareejinaya Tor. Barnaamijka Tor ayaa u wanaagsan weriyayaasha baaritaanka ku sameeya arimaha xasaasiga ah, sida musuq-maasuqa madaxda dowladda ee dalalka leh awoodda tiknoolajiyadeed. Iska eeg waxa uu sharciga ka qabo adeegsiga barnaamijka Tor ee waddanka aad ku sugan tahay.

Ka Tallaabida Xuduudaha

Weriyayaal badan ayaa ka tallaaba xuduudaha iyagoo sita macluumaad ku saabsan shaqadooda iyo mid gaar ah, oo aanay dooneyn in cid kale ay hesho. Haddii ilaalada xuduudaha ay kaa qaataan qalabkaaga oo ay la tagaan meel aadan arki karin, waxa ay fursad u helayaan inay baaraan, cinwaanadaada furaan, min-guuriyaan xogtaada ama ay qalabka ku shubaan barnaamij ku basaasi kara. Weriyayaasha ka tallaabaya xuduudaha Maraykanka waxa ay daalacan karaan qoraalka badqabka ay diyaarisay hay’adda CPJ ee cinwaankiisu yahay, “Waxba Ma Wato.”

Ka hor inta aadan safrin:

  • Ogow xogta ku jirta qalabkaaga, iyo sida ay xogtaas khatar u gelin karto naftaada iyo cidda aad la xiriirayso. Qiyaas in qalabkaaga loo baari karo si lamid ah sida loo eego buugaagta iyo qoraallada daabacan ee kuugu jira boorsada.
  • Ku keydi dhammaan xogta qalabkaaga ku jirta qalab kale ama cloud. Ka saar qalabkaaga dhammaan xogta aadan dooneyn inay helaan saraakiisha ilaalada xuduudaha.
  • Haddii ay suuragal tahay, soo iibso qalab nadiif ah oo aad u adeegsato safarka oo keliya, gaar ahaan haddii aad ku hawlan tahay warbixinno xasaasi ah. Haddii aad la safrayso qalab kuu gaar ah ama midka shaqada, si ammaan ah meel kale ugu keyso xogta, kadibna foomat garee qalabkaas.
  • Ku xir lambar sir ah dhammaan qalabkaaga si aad u xaqiijiso in xogtaada aan la heli karin lambarkaas la’aantii. Baaritaan ku samee xayiraadaha encryption-ka ee dalka aad u socoto, si aadan u jebin shuruuc u taalla. Ogow in laamaha ammaanka ay sharci u haysan karaan inay ku weydiiyaan lambarkaaga sirta ah. Talo weydiiso shirkaddaada ama qareen ka hor inta aadan u safrin dal ay suuragal tahay in lagugu joojiyo xuduuda.
  • Iska xir dhammaan cinwaanadaada ku jira qalabka oo iska tir apps-ka inta aad ka tallaabayso xuduuda oo aad ka helayso internet ammaan ah.
  • Ka masax qalabkaaga dhammaan bogaga internet-ka ee aad booqatay. (Shirkadda ku siisa internet-ka iyo browser-kaaga ayaa weli haysa diiwaanka bogaga internet-ka ee aad booqatay.)
  • Ku xir dhammaan qalabkaaga PIN ama lambar sir ah halkii aad ka isticmaali lahayd in aad ku furto farahaaga ama wejigaaga.
  • Ka dhig qalabkaaga mid meel fog laga masixi karo xogta ku jira, isla markaana diyaarso qof aad ku kalsoon tahay oo meel kale ka masixi kara haddii lagu xiro.

Marka aad joogto xuduuda:

  • Demi qalabkaaga si aad u hawlgeliso encryption-kiisa gudaha.
  • Isha ku hay qalabkaaga marka ay marinayan mashiinta baaritaanka.
  • Ha shidin telefoonkaaga illaa iyo inta aad ka baxayso garoonka. Wicitaanka iyo farriimaha laguu soo diro waxa ay soo marayaan shirkadda isgaarsiinta ee deegaankaas, taasoo la wadaagi karta dowladda. Adeegso VPN marka aad isticmaalayso WiFi-ga garoonka.
  • Haddii xuduuda lagaaga qaado qalabkaaga ama wax la geliyo, maanka ku hay in loo dhacay, xogta ku jirtana laga baxsaday.

Fiiro Gaar ah: Talooyinkan waxaa markii ugu horreysay la daabacay 30-kii July 2019. Waxaa dib u eegis lagu sameeyay taariikhda daabacaada ee kor ku xusan.